Home Afsomali Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Cusub

Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Cusub

 

Wasiirka cusub ee dhawaan loo soo magacaabay Waaaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Xildhibbaan Jibriil Cabdirashid Xaaji Cabdi oo qeyb ka ah wefdiga Madaxweynaha  ee dalka Uganda, ayaa isaga iyo dhiggiisa dalkaas Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Iskaashatooyinka, Hon. Mwebesa Francis, waxay si rasmi ah u saxiixeen heshiis is-af-garad oo u dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Uganda kaas oo ku saabsan iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Heshiiskan is-af-garad, ayaa kor-u-qaadaya xiriirka labada dal gaar ahaan iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha, iyada oo sidoo kale na uu abuuraayo maalgashi iyo shaqo abuur labada dhinac ah.

Sidoo kale, wuxu heshiiskani taaban doonaa dhinacyada wax-soo-saarka beeraha, badda, xoolaha iyo warshadaha inta ba, Iyada oo sidoo kale na ay Soomaaliya ay noqon doonto marin ay dawladda Uganda u marto dhaq-dhaqaaqyadeed ganacsi ee wadamada Yamen, Itoobiya, Jabuuti iyo weli ba dalka Hindia iyo guud ahaan wadamada bariga dhexe iyo kuwa Aasiya.

Sidoo kale, taa beddelkeeda waxay Soomaaliya na ka faa’idaysan doontaa fursadaha ganacsi ee wadamada ku teedsan Great Lakes Region iyo weli ba bariga iyo bartamadaha wadamada Afrika.

Soomaaliya iyo Uganda, ayaa ka wada tirsan ururadda iskaashiga Ganacsi ee gobolka Sida IGAD, COMESA , African Continental Free Trad Agreement, waxaana heshiiskani uu mar kale kor u qaadi doonaa fududeynta ganacsiga labada dal iyo is-dhex-galka dhinacyada dhaqaalaha iyo maal-gashiga intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.