Home Afsomali Suuqa Doqon ma waaye’ waxaa ka macaashay meesha kama tage waxne kama...

Suuqa Doqon ma waaye’ waxaa ka macaashay meesha kama tage waxne kama tare

Suuqa Doqon ma waaye waxaa ka macaashay meesha kama tage waxne kama tare

Magac iyo Masiibo maalin un bey baxaane horaa loo yiri wixii aad qarsato iyane wey ku qarsadaane maantana  ma suuqa madow ayaan ka dhaxalnay in markasta la magacaabo shaqsi ku can baxay doqon ma waaye oo xili walbo dowladii timaado iyo oday dhaqameydkii soo xulid loo igmado isaga uun noola yimaado

Doqon ma waaye isne wax ma tare iska soo taagan oo u nacamleeya marba cida isaga magacaawda ayey u guul dareysteen shaqo kasta oo horumarka dalka laga doonayey ileyn isagaa ku hor gudbane .

Waxaan la dafiri Karin aqristow tan iyo markii aad dhalatay siyaasiyiin xildhibaano iyo masuuliyiintii aad maqli jirtay in aanay wax badan isla badalin maamul kasta ha yimaadee ,hadaba kuwaasi maxay qabteen maxaa lagu soo xulaa miyeysan hagar daamada dalka ka daaleyn

Kaaga sii darane waqtiyaan danbe magacaabidu copy past ayeyba noqotay

Dhamaan dowladihii KMG ahaa waxaa dhax yuuraray kana macaashay dhiiga bulshada meesha kama tage waxne kama tare

Xildhibaanada wasiirada Soo Noqnoqday ku dar agaasimayaasha gudoomiyaal dagmo gudoomiyayaasha gudigayada  iyo xilalka kale ee dowlada waxaa lagu helaa galgalka iyo horaan xil u soo qabtay oo waa la i garanayaa .

Waxaad arkeysaa dagmo qadiimi ah in gudoomiye looga dhigo shaqsi aan habeene marti ahaan xitaa ugu hoyan oo aan aqoon u laheyn wadooyinka iyo meelaha halaqyo mareenka ah waxaana weli dagan shaqsiyaad ku cireystay oo ku dhashay oo aan lagala tashan mudnaantane la siin

Waxaa ila haboon cid kasta in ay wajahdo howlaha loo doorto iyada oo aan juhdi ku bixin si loo magacaabo iyada oo aan ogeyn in xilkaa loo magacaabayo

Inta ay arimaha dhabar ka taabashada dadban fariinta mobilkana lagu magacaabayo waxaa barbar socon doona guldarooyinka dowlada ay wajaheyso

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.