Home Afsomali Taariikh Nololeydkii Maxamed Xusni Mubarak madaxweynihii dalkiisa xukumayey sodon sano ee shacabku...

Taariikh Nololeydkii Maxamed Xusni Mubarak madaxweynihii dalkiisa xukumayey sodon sano ee shacabku ku yaaceenugu danbeyntii

Xusni Mubarak wuxuu ahaa nin milatari ah; laakiin wuxuu ayiday nabaddii caalamiga ahayd ee uu dalkiisa qaatay.

Intii uu hoggaanka hayay, Masar waxay kaalin weyn ka qaadatay isku daygii lagu damacsanaa in nabad looga dhex abuuro Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

30-kii sano ee uu xukunka heystay waxaa lasoo afjaray sanadkii 2011-kii, markaasoo kacdoon shacab looga saaray xafiiska.

Waxaa lagu eedeeyay inuu amar xaalad deg deg ah u adeegsaday sidii uu u burburin lahaa siyaasiyiinta ka soo horjeeday; sanadihii ugu dambeeyay noloshiisana wuxuu ku dhammeystay dagaal uu kula jiray dacwado musuqmaasuq ah oo lagu soo oogay.

Duuliye waday diyaarad dagaal

Muhammad Xusni wuxuu yiri Mubarak wuxuu dhashay 4 May 1928 , wuxuuna ku dhashay magaalada Kafr-El Meselha, ee ku taalla waqooyiga dalka Masar.

Inkastoo uu kasoo jeeday qoys sabool ah, wuxuu ka qalin jabiyay dugsigii tababarka milatariga ee Masar sanadkii 1949. Wuxuu usii gudbay dhinaca ciidamada cirka, isagoo toos jago looga siiyay sanadkii 1950-kii.

Labo sano ayuu duulin jiray diyaaradaha dagaalka, kaddibna wuxuu noqday macallin duuliyenimada baraha ciidanka cirka.

Wuxuu goob joog u ahaa Afgambigii milatari ee uu sameeyay Janaraal Jamaal Cabdinaasir, ee dhacay sanadkii 1952-kii. Waxaa kale oo uu joogay markii uu dhacayay dagaalkii kanaalka Suez ee xigay.

Sanadkii 1959-kii, Mubarak wuxuu u safray midowgii Soviet – oo markaas ahaa quwadda ugu weyn ee dowladdii cusbeyd ee Masar siisa hubka – halkaasoo uu kasoo bartay sida loo duuliyo diyaaradaha bambooyinka wax ku duqeeya.

Wuxuu guursaday haweeney lagu magacaabi jiray Suzanne – oo markaas ahayd 17 uu dhalay nin dhaktar ah.

Wuxuu ka shaqeeyay sidii uu darajo sare uga gaari lahaa dhinaca ciidanka, ugu dambeynna wuxuu noqday madaxa dugsiga tababarka ciidamada cirka iyo agaasimihii shaqaalaha ciidamada cirka ee Masar, sanadkii 1972-kii.

Halyeey Qaran

Laakiin wuxuu aad magaciisa ugu soo caan baxay jagadii xigtay ee loo dhiibay – taasoo ahayd in mar qura laga dhigay abaanduulihii guud ee ciidamada cirka Masar iyo Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Gaashaandhigga.

Mubarak wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay qorsheynta weerarkii lagu qaaday ciidamadii Israa’iil, markii uu billaabanayay dagaalkii carabta iyo Israa’iil u dhaxeeyay ee qarxay sanadkii 1973-kii.

Weerarka wuxuu dhacay maalintii loo bixiyay “Yowm Kabiir” – maalintii weyneyd – taasoo ah maalinta ugu barakada badan ee ay aaminsan yihiin dadka Yuhuudda ah.

Mubarak waxaa Halyeey Qaran loogu aqoonsaday howsha uu ka qaatay diyaarinta weerarkaas oo ciidamada Masar ay ku dul mareen biyaha kanaalka Suez.

Ruushka iyo Mareykanka ayaa ku dhawaaday inuu dhex maro dagaalka ugu weyn adduunka, maadaama ay labaduba kala garab taagnaayeen Masar iyo Israa’iil.

Israa’iil waxay isku dayday inay iska caabiso ciidamadii Masaarida, laakiin markii dambey waxay ku khasbanaatay inay gacanka Sinai dib ugu soo celiso Masar.

Madaxweyne ku xigeen

Abaalmarintii Mubarak waxay timid labo sano kaddib, markaasoo uu madaxweyne Anwar Sadat ka dhigtay ku xigeenkiisa.

Sadat wuxuu ku takhasusay waxa uu ugu yeeray “maasada korontada” ee ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda. Wuxuu dalkiisa ka eryay 16,000 oo la taliyeyaashii midowga Soviet ah, wuxuuna booqasho ku tagay magaalada Qudus, xilli uu wali dagaalka socday, wuxuuna si kas ah u diiday inuu la kulmo hoggaamiyeyaashii Sacuudiga.

Mubarak waxay inta badan howlihiisa ku ekaayeen arrimaha gudaha dalka, laakiin wuxuu durba billaabay inuu si gaar ah u sameysto xulafo dhanka hoggaamiyeyaasha carabta ah – gaar ahaan dhaxalsugihii boqortooyada Sacuudiga Fahad.

Ma uusan ahayn nin ci cad u taagersanaa heshiiskii Camp David ee Israa’iil nabadda lagula galay sanadkii 1979-kii – kaasoo ay si wadajir ah u saxiixeen madaxweyne Sadat iyo Ra’iisul asaarihii Israa’iil, Menachem Begin.

Heshiiskaas wuxuu si weyn u kala qeybiyay dalalkii lagu magacaabi jiray Dunida Carabta.

Mubarak wuxuu aad uga xumaa sida uu Sadat ugu guul darreystay inuu ilaaliyo xiriirkii dalalka xulafada dhexdhexaadka ahaa, iyo kooxihii xagjirka ahaa ee ka abuurmay heshiiska lala galay Israa’iil – oo ay u arkayeen mid Masar lagu iibinayay.

Bishii October ee sanadkii 1981-kii, ciidamo taageersanaa mid ka mid ah kooxahaas ayaa toogasho ku dilay Sadat, xilli uu ka khudbeynayay munaasabad lagu xusayay guushii uu ka gaaray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee dhacay 1973-kii.

Kooxdii dilka fulisay waxay ku soo dhex dhuunteen gaari, kaasoo la hor istaajiyay meesha uu madaxweynaha ku khudbeynayay.

Iyadoo loo heystay inay qeyb ka yihiin ciidankii loogu tala galay salaan sharafta madaxweynaha ayuu xaggooda usoo dhaqaaqay Sadat, salaan ayuuna siiyay.

Laakiin islamarkiiba waxay goobta uu taagnaa ku tuureen bambooyinka gacanta, waxayna rasaas aan loo meel dayin ku fureen dhammaan dadkii halkaas ku sugnaa, iyagoo isticmaalayay dhowr xabo oo ah qoriga loo yaqaanno AK-47.

Sadat wuxuu labo saacadood kaddib ku geeriyooday isbitaalka; Xusni wuxuu ka mid ahaa dadkii dhaawacmay.

‘Ilaalinta heshiiska nabadeed’

Mubarak wuxuu la wareegay xilka madaxweynaha, isagoo helay 98% ka mid ah codadkii aftida qaran – wuxuuna ahaa musharraxa kaliya ee codeynta u taagnaa.

Wuxuu ballan qaaday inuu ayidi doono heshiiskii nabadeed ee Camp David, laakiin xiriirka uu la lahaa Israa’iil wuxuu ahaa mid ka daciifsan kii dowladdii Sadat.

Masar iyo Sacuudi Carabiya – oo ahayd dowladda ugu tunka weyn uguna qanisan waddamada carabta – ayaa sameystay xulafo, iyagoo ka hortagaya inuu xoogeysto hoggaamiyihii Iiraan ee lagu magacaabi jiray Aayatullah Khumeyni.

Masar – ururka Jaamacadda arabta laga eryay sanadkii 1979-kii ayaa dib loogu soo celiyay, xaruntii dhexe ee ururkana waxaa lagu soo celiyay goobtii ay markii hore ahayd ee jiinka wabiga Nile.

Mubarak wuxuu wax kusoo bartay dugsiyadii tababarka milatariga ee midowgii Soviet, wuxuna ku hadli jiray luuqadda Ruushka, laakiin wuxuu doonayay inuu adkeysto xiriirka dalalka reer Galbeedka.

Doorkiisii muhiimka ahaa ee isku daygii lagu damacsanaa in nabadda lagu dhex dhigo Israa’iil iyo Falastiin ayaa usoo jiiday inay xiriir fiican la yeeshaan dhammaan madaxweyneyaashii Mareykanka ee ay wada kulmeen, kuwaasoo ku taageeri jiray lacago balaayiin doolar ah, oo gargaar ah.

Dadka dhaleeceyn jiray waxay ku eedeeyeen inuu ahaan jiray “xayawaan la dhaqaaleyso uu Mareykanka leeyahay”

Waxaa kale oo ay ku dhaliileen inuu xabsiga dhigi jiray siyaasiyiintii kasoo horjeedday iyo inuu ku shuban jiray doorashooyinka.

Wuxuu ballaariyay ciidamada amniga ee gudaha dalka, wuxuuna ka badbaaday ugu yaraan lix isku day oo lagu damacsanaa in lagu dilo – isagoo dhaawacyo ay kasoo gaareen weerar mindi ah oo loogu geystay magaalada Port Said.

Dagaalkii Khaliijka

Faragalintii ay Ciraaq ku sameysay Kuwait sanadkii 1991-kii waxay dhabar jab weyn ku ahayd Mubarak, oo sheeganayay inuu ballanqaad ka heystay Saddam Xuseen, oo ahaa inuusan falkaasoo kale dhici doonin.

Isagoo taageeray cunaqabateyntii lagu soo rogay Ciraaq, haddana wuxuu wacad ku maray inuu cudud milatari ku dari doono dagaalkii xulafada ee ka dhanka ahaa hoggaamiyihii Ciraaq.

Saddam wuxuu ku baaqay in la afgambiyo dowladdii Masar ee uu hoggaaminayay Mubarak; laakiin Mareykanka iyo beesha caalamka ayaa Masar ka cafisay balaayiin doolar oo deymo ah.

Toban sano kaddib Mubarak wuxuu garab istaagay dagaalkii uu Mareykanka ku qaaday Ciraaq 2003-dii, kaasoo xukunka looga tuuray Saddam Xuseen.

Kacdoonkii Guga Carabta

Bishii Jnauary ee sanadkii 2011-kii, mudaharaadyo kacdoon ah ayaa ka qarxay Masar. Shacabka ayaa ka cabanayay faqri iyo Musuqmaasuq dowladda lagu eedeynayay.

Sidoo kale waxay ka careysnaayeen shaqo la’aan korortay iyo hoggaanka oo la isku dhajinayay.

18 isbuuc oo dibadbaxyo ah kaddib wuxuu ku dhawaaqay inuu xilka ka dagayo.

Afar bilood kaddib Mubarak oo xanuunsan ayaa maxkamad lasoo taagay. Isagoo isbitaalka yaalla ayuu wajahay dacwado la xiriira Musuqmaasuq iyo dil loo geystay dad mudaharaadayay.

Qareennadiisa waxay markii hore ku doodeen inuu wali ahaa madaxweynaha xaqa ah ee Masar, dacwad maxkamadeedna aysan qaban karin.

Bishii June ee sanadkii 2012-kii, Mubarak waxaa lagu xukumay xabsi daa’in.

Lix bilood kaddib, xukunkii waa laga noqday waxaana la amray in dacwada lagu celiyo. Intaas wixii ka dambeeyay waxaa la galiyay xabsi guri, isagoo isbitaal ku jiray.

Muddo kaddib, Mubarak waxaa laga laalay dacwadihii Musuqmaasuqa iyo dilka mudaharaadeyaasha – waana lasii daayay.

Xusni Mubarak waxaa lagu tilmaamaa inuusan ahayn nin u ad adkaa sidii labadii madaxweyne ee ka horreysay, Jamaal Cabdinaasir iyo Anwar Sadat, laakiin wuxuu wacad ku maray inuu Masar u adeegi doono ilaa inta ay neefta ugu dambeyso ka baxeyso.

30-kii sano ee uu xukunka heystay, Masar waxay ahayd dal xasiloon. Laakiin dad badan ayaa xabsiyo ku jiray iyagoo aan la maxkamadeynin, waana la jir dilayay.

Caalami ahaan Mubarak waxaa dibadda looga arkayay nin siyaasaddiisu ay ku wajahan tahay sidii looga hortagi lahaa dagaal ka dhaca gobolka, laakiin gudaha dalkiisa waxaa looga arkayay inuu ahaa nin gacan bir ah leh oo naxariis daran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.