Home Afsomali Taariikhda Donald Trump oo Noqday madaxweynaha Cusub ee 45 aad dalka Mareykanka

Taariikhda Donald Trump oo Noqday madaxweynaha Cusub ee 45 aad dalka Mareykanka

tromp-presidant

Donald John Trump wuxuu dhashay 14-kii June 1946 wuxuu ku dhashay kuna koray magaaladda New York , waa ilmaha afaraad nin hantiille ahaa oo ka ganacsan jiray guryaha oo lagu magacaabi jiray Fred Trump, inkastoo qoyskiisu hanti leeyihiin haddana waxaa la filayey in uu ka shaqeeyo shaqooyinka ugu hooseeya ee shirkadda Aabihiis laakiin waxaa loo diray kuliyad ciidan markii uu ahaa 13 sano jir ka dib markii uu si xun u dhaqmay.

Wuxuu waxbarasho ku qaatay dugsiga Wharton School ee Jaamacadda Pennsylvania , taasi oo keentay in Aabihiis uu u noqdo shakhsi uu la dhacsan yahay ee badala hawlaha maamulka ganacsigooda maaddaamma walaalkiis ka wayn oo lagu magacaabi jiray Fred oo doortay in uu noqdo duuliye diyaaradeed.

Fred Trump wuxuu ku dhintay 43 jir ah isagoo sababsaday cuduro ka dhashay cabista Khamriga, taas oo keentay in Donald Trump uu nolashiisa oo dhan gees ka maro cabista Khamriga iyo sigaarka.

Mr Trump wuxuu sheegay in uu ku bilaabay ganacsiga guryaha dayn lacageed “oo yar” oo aabihiis uu ka amaahday, ka hor intii aannu ku biirin shirkadda Aabihiis.Wuxuu ka caawiyey Aabihiis mashaaruiic ballaaran oo guryo looga dhisay degmooyinka magaaladda New York, isagoo markii dambe la wareegay maamulka shirkadda 1971-kii wuxuuna ka badalay magaca oo uu ka dhigay Trump Organization.

Aabihiis wuxuu dhintay 1999, isagoo 93 jir ah, “Aabahay wuxuu ahaa dhiirigaliyahayga” ayuu yiri Mr Trump.

Maalqabeen

Mr Trump wuxuu ganacsigii qoyskooda ee dhismaha guryaha ee degmooyinka Brooklyn & Queens uu u rogay mashaarciida Manhattan isagoo dhisay Hotelka wayn Grand Hyatt, wuxuu sidoo kale taagay wadadda shanaad dhismaha caanka ah waxaa sidoo kale uu dhisay dhismayaal kale oo caan oo ay ka mid yihiin Trump Place, Trump World Tower, Trump International Hotel and Tower, iyo waliba kuwa kale oo badan.Magaalooyinka Mumbai {Hindiya}, Istanbul {Turkey} iyo Philippines ayuu ka sameeyey dhismayaal caan oo ah oo lagu magacaabo Trump Towers.

Mr Trump waxa kale oo uu dhisay hotels & goobaha lagu qamaaro ee loo yaqaan casinos, waxaase afar jeer uu diiwaangaliyey inuu khasaaray ama masilafay oo ah dhanka ganacsiga balse aan ahayn musalif shakhsi ah.

Mr Trump waxaa kale oo uu aasaasay barnaamijyo ganacsi oo warbaahineed sanadihii 1996 ilaa 2015, wuxuu ahaa mulkiilaha masraxiyadda Miss Universe, Miss USA, & Miss Teen USA beauty pageants oo ah bandhig lagu caleemo saaro gabadha ku guulaysata quruxda.

Sanadkii 2003-kii wuxuu ka bilaabay Telefishinka NBC barnaamij tartan ah oo loo galayo shaqo maamul oo laga qabanayo shirkadda Trump. Barnaamijkaas oo uu daadihiye ka ahaa 14 goor wuxuu sheegtay in ay uga baxday dhaqaale aan shaaca laga qaadin oo gaaraya 213 milyan oo doolar intii uu socday Barnaamijku.

Waxaa laga qoray buugag fara badan, waxaa kale oo jira waxyaabo ganacsi ahaan loo iibiyo oo magaciisa lagu iibiyo ka bilow Garafaati ilaa dhalada biyaha, sida uu qabo wargeyska Forbes hantida Trump waxaa lagu qiyaasay 3.7 bilyan oo doolar, laakiin isagu wuxuu ku adkeysanayaa in hantidiisu ku qiimaynsan tahay 10 bilyan oo doolar.

ay & Aabe:

Trump wuxuu guursaday sadex goor, inkastoo ay ugu caansanayd ,oo ahayd gabar ciyaaraha fudud ciyaari jirtay isla makaana ahayd, sidoo kalena dharka xayeysiisa, waxay isku dhaleen sadex caruur ah oo kala ah Donald Jr, Ivanka & Eric ka hor intii aanay diiwangashan furiin sanadkii 1990-kii, waxana ay gaartay in maxkamadda la iska dacweeyo taasi oo soo jiidatay saxaafadda arimaha gaarka ah ee dadka caanka ah ka faaloota.

Sheekooyinkaas waxaa ka mid ah eedeymo sheegayay in Trump uu si xun ula dhaqmay Ivana inkastoo markii dambe ay sheekada xoogaa qaboojisay.

Trump wuxuu guursaday sanadkii 1993-kii Marla Maples oo ay isku dhaleen gabar lagu magacaabo Tiffany balse waxay isfureen Marla sanakdii 1999-kii.

Sanadkii 2005-tii ayay is guursadeen xaaska hadda u dhaxda oo lagu magacaabo Melania Knauss, waxay isku dhaleen hal wiil oo lagu magacaabo Barron William Trump.

Ilmaha guurkiisii hore ayaa hadda waxay ka caawiyaan hawlaha socodsiinta shirkadda Trump Organization, inkastoo oo uu wali yahay madaxa shirkadda.

Musharax

Mr Trump wuxuu muujiyey dareen ah in uu u isu sharaxo Madaxweyne horaantii sanadkii 1987,wuxuuna is sharaxay sanadkii 2000 isagoo ahaa musharaxa xisbiga Reform Party.

Ka dib sanadkii 2008 wuxuu noqday dadka sida wayn uga hadla goobta dhalasha ee madaxweynaha haatan xilka ka degaya, waxay dhaqdhaqaas su’aalo ka keeneen in Madaxweyne Obama uu ku dhashay Mareykanka iyo inkale, laakiin sheekooyinkaas waxaa markii dambe ay daciifeen ogaanshaha in Obama uu ku dhashay Hawaii.

Mr Trump wuxuu ugu dambeyn qirtay inaanay waxba ka jirin eedeymahaas intii lagu jiray olalaha doorashada laakiin si guud uma jirin raaligalin sidii caadiga ahayd.

Ilaa bishii June ee 2015 Mr Trump si rasmi ah uguma dhawaaqin inuu u tartamyo tartanka aqalka cad.

“Waxaynu u baahannahay qof si rasmi ah oo dalkan kor u qaada dibna uga dhiga wadan weyn” ayuu ku yiri Trump hadalkiisii uu ku shaacinayey inuu isagu taagayo doorashada.

Hadalkaas wuxuu ku balanqaaday in musharaxnimadiisa aannu uga baahnayn wax dhaqaale loo ururiyo, wuxuu ku jawaabay inaanay jirinwax dano gaar ah oo uu leeyahay isla markaana uu yahay musharax siyaasadda dibad joog ka ah.

Halkudhega uu caanka ku yahay ee “Ameerika dib u waynee” wuxuu Trump xiliyo kala duwan jeediyey hadalo iska soo horjeeda oo ku dhisan balanqadyo ah lagu xoojinayo dhaqaalaha Ameerika, inuu ka dhisi doono darbi xuduudda dalka Mareykanku la leeyahay Mexico, isla markaana uu muddo cayiman dadka Muslimiimta ee imaanaya Mareykanka ilaa buu yiri “wakiiladda wadankeennu ay xaqiijin karaan sida wax u socdaan”.

Inkastoo ay dhaceen dibadbaxyo iyo kulamo waa wayn oo ka soo horjeeday olalihiisa oo ay saameeyeen musharaxiintii ay iska soo horjeedeen ee xisbiga Jamhuuriga sida Ted Cruz iyo Marco Rubio, Trump wuxuu noqday musharaxa rasmiga ee xisbiga Jamhuuriga

Guusha doorashada

Olalaha doorashada Mr Trump waxaa si wayn ula degay dood iyo fadeexado ku ay ugu dambeysay cajalad laga duubay sanadkii 2005-tii isagoo hadalo anshax la’aan ah u gaystay haweenka, waxaana ay taasi keentay in xitaa qaar ka mid ah xubnaha xisbigiisa ay ku tilmaameen nin aan qalmin xafiiska.

Laakiin wuxuu u sheegayey taageerayaashiisa inuu hareer mari doono saadaasha doorashooyinka kuwaasi oo badankoodu muujinayey in Hillacry Clinton ay ku guulaysanayo doorashada.

Trump wuxuu ka qaatay dhiirigalinta guusha olalahii UK ay kaga baxday Midowga Yurub.

Inuu ku guulaysto waxay ka dhigan tahay wax aanay saadaalin ku bixin dadka arimahan ka doodayey inkastoo olalihiisu uu helay taageero xoogan oo la xiriirtay eedeymihii cusbaa ee dhanka emailada ee wajahay Hilliary Clinton maalmihii ugu dambeeyey ee olalaha doorashada.

Wuxuu noqon doonaa madaxweynihii 45 aad ee Mareykanka kaas oo aan waligiis loo dooran xafiis ama aan ka soo shaqayn ciidamada, taasi waxay ka dhigan tahay inuu mar hore taariikh dhigay ka hor inta aan loo dhaarin xafiiska madaxweynaah 45-aad ee Mareykanka bisha January ee fooda inagu soo haysa.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.