Home Afsomali Taariikhda madoow ee mohamed Mursal iyo kuwa kale oo aan ka rooneyn

Taariikhda madoow ee mohamed Mursal iyo kuwa kale oo aan ka rooneyn


Taariikhda madoow ee mohamed Mursal

usharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu soo Noqday 1994 Amiir kuxigeen beesha uu kasoo Jeedo ee LUWAAY oo illaa hadda uusan iska casilin xitaa asagoo ku biiray Siyaasadda iyo Dowladda Soomaaliya.

1. Aaminaadiisa dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda

A. Aaminaadiisa dhinaca dhaqaalaha
Waa Eedeesane ku eedaysan BURCADNIMO oo wuxuu lacag gaarayso $1,000,000 (1Milloin) ka dhacay Adeerkiis AUN General Muumin Maxamed Idriss oo Taliyaha Ciidanka Boliiska ahaa Dowladii CabdiQaasin Salaad Xasan, iyadoo iskugu jirtay lacagtii uu ka shaqeeyay Wakaalada Biyaha ee Baydhabo oo uu ku wareejiyay Maamulkeeda, kadibna markay xisaabtameen lacag gaarayso Hal Malyan oo Doolar ayaa uu dhunsaday Musharaxa Maxamed Mursal, kadibna General Muumin wuu dhintay oo wiilashiisa ayaa hadda ku dhagan oo dhoor bilood ka hor Dacwadaas ka dhax furtay tolka dhaxdiisa.

Sidoo kale, wuxuu wakiil ooga ahaa Adeerkiis General Muumin iyo wiilashiisa shirkad keenta Sigaarka 1995 oo uu Konfurta Soomaaliya Wakiil ooga ahaa, wuxuuna ka dhunsaday dhaqaalo gaaraayo $864,000, illaa markii danbe wiilasha Jananka ay xalka u arkeen inuu Maxamed Mursal iibiyo Guryahiisa uu ku leeyahay Magaalada Baydhabo, maadaama ay aaminsanyihiin in uu Guryahaas ka iibsaday lacagaha uu ka dhacay iyaga.

B. Aaminaadiisa dhinaca siyaasadda
Markii uu soo galay Siyaasadda 2009 wuxuu ku biiray Xisbi Diimeedka Aala­-Sheekh oo Markaas Talada Dalka haayey si uu ooga helo Xilal, wuuna ku guulaystay inay aaminaan oo ay xil siyaan, isla markiiba waxay u Magacaabeen Wasiir.

Sidoo kale, markii ay talada Dalka gacantooda ka baxday Urur Diimeedka Aala-Sheekh wuxuu u wareegay Urur Diimeedka Damul-Jadiid isla sidii hore oo kale ayuu ku biiray asagoo u sheegaya inuu ka baxay qolooyinkii hore ee Aala-sheekh oo iyaga ay ka wanaagsanyihiin, sidaas ayay Mansab ugu dhiibeen intay aaminayn.

Sidoo kale, markay talada dalka gacantooda ka baxday Damul-Jadiid wuxuu ku biiray qolooyinkaan hadda talada dalka haayo asagoo oogu sheekaynaya inuu kazoo baxay Damul-Jadiid oo ay iyaga ka fiicanyihiin waliba u caynaayo, sidaas ayey ku aamineen oo ay oogu dhiibeen Xilka Wasiirka Gaashaandhiga oo uu hadda iska casilay, hadana waxay markay arkeen inuu Gacan yare dhaga fudud uu yahay waxay u sharaxeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka

2. Caafimaadkiisa iyo dhaqankiisa dhanka bulshada

A. Musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waa Musharaxa kaliya ee caafimaadkiisu uusan taam ahayn, sida aan lasocono wuxuu isticmaalaa Kaniiniyo uu u soo qoray Dhakhtarkiisa khaaska ah, maxaa yeelay horaantii 1992 ayuu mar la tacaalaayay xanuunka dhanka dhimirka, asagoo ka mid ahaa Jabhadii RRA, waxaana kuu cadeynaayo dhaqankiisa Qunyar Socodnimada Siyaasadeed) oo uusan bulsho badan ku dhaxgali Karin, maadaama dhaxgalka Bulshada badan ay qofka u keenayso inuu xanaaqo ama farxo, sidoo kalana, ma maamuli karo bulsho shaqo kala dhaxayso oo dad badan.

B. Musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waa nin ku caanbaxay tumashada, iyadoo bilkasta uu keensado gurigiisa Dumar cusub oo uu dadka ugu sheegaayo inuu qabo, wuxuu badanaa jecelyahay inuu lasaaxiibo gabar uu kursiga Siyaasadda ku gaaraayo, waxaan hadda ognahay inuu %90 uu saaxiib uu latunto ka dhigtaa Siyaasiyiinta Siyaasadda ku jiro iyadoo oo hadda qaarkood ay Xildhibaano iyo Wasiiro ay yihiin ( Magaca Hablahaas nooma saamaxayso Sharcigeena inaan idinla wadaagno).

1. Musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa la tilmaamaa in uu yahay nin aan u dhego nuglayn waalidiintiisa, oo waxaaba mar habaaray adeerkiis Sheekh Cismaan oo ah Madaxa Dariiqada Saalixiyya oo Xamar ku leh xarunta ugu weyn.

3. Waxqabadkiisa

A.Wax qabadkiisa dhinaca Bulshada wuxuu ku yahay (0) 2009 illaa hadda muusan u qaban Bulshada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan reer Koonfur Galbeed ee uu kazoo jeedo xataa Ceel biyood ama gabar foolanayso muusan gargaar Masuuliyadeed u fidin habayaraatee, midaasina waxaa ka jawaabay Qabiilkiisa LUWAAY oo Doorashadii Xildhibaanada ee 2016 intay buriyeen oo xataa sabeen xirkii uu sameeyay iyo lacagihii uu rabay LUWAAY inuu ku laaluusho ayey ka diideen, iyagoo sabab ooga dhigaayey ( wax qabad la’aantiisa iyo dadnimo xumadiisa shakhsiyadeed) laakiin markii danbe ayuu kaga guulaystay laaluush aad u badan ee uu ku kala dilay Tolka dhaxdiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.