Home Afsomali Taariikhda Somalia Janaayo 1948-kii waxaa Xamar ka dhacay mudaaharad weyn oo looga...

Taariikhda Somalia Janaayo 1948-kii waxaa Xamar ka dhacay mudaaharad weyn oo looga soo horjeeday gumeystihii Talyaaniga

Janaayo 1948-kii waxaa Xamar ka dhacay mudaaharad weyn oo looga soo horjeeday gumeystihii Talyaaniga, mudaaharaad kaas waxaa abaabulay oo hormuud ka ahaa SYL oo markaa taageera ka ehleysay Ingiriis kii.

Mudaaharaad kii wuu xoogeeystay marki dambe na wuxuu isku badalay gacan ka hadal, waxaana atkaatay in la koontaroolo shacabka, kuwaasoo markii dambe bilaabay iney guryaha ugu galaan qoysas kii Talyaaniga ahaa ee magaalada daganaa, meeshaana waxaa lagu dilay 54 Talyaani ah iyo 14 Soomaali ah oo Talyaaniga la jiray, dadkii meesha ku dhintay waxaa ugu caansanaa Xaawo Cismaan Xaawo Taako oo aheyd gabar Soomaali ah oo uu qabay nin Talyaani ha, Xaawo Taako waxay isku dayday iney difaacdo qoyski Talyaaniga ahaa ayadoo la diriraysa Soomaalidii ayay sidaa ku dhimatay.

Xaawo Taako waxaa aad looga xurmeeyaa gudaha Talyaaniga waxaana lagu maamuusaa doorkii ay ka qaadatay difaacidda shacabkii Talyaaniga.

Qoraalkaan waxaa uu yaal matxaf walba oo Talyaaniga ah, ma aqaan sababta ka dambeysa in Xaawo Taako lagu sheego iney halgamaa aheyd, laakiin taariikhdeena waxaa ka buuxa wax badan oo gumeysiga uu lahaa sida Calanka Buluugga ah oo 1919 uu sameeyay Talyaaniga, balse

shacabkeena ma ahan kuwa si dhab ah u baara taariikhda wax walbana waxaa kaga filan quraafaadka ay meelaha ka maqlaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.