Kooxda Taalibaan ee maamusha dalka Afganistan ayaa la sheegay in ay dileen hoggaamiye sare oo katirsanaa kooxda Daacish, kaa oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weerar dad badan ku dhinteen oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul sannadkii 2021-kii.
Qaraxyo lagu weeraray garoonka diyaaradaha Kabul xilli daad-gureyn socoray sannadkii 2021-kii ayaa waxaa ku dhintay 170-qof oo shacab u dhashay Afganistan iyo 13-askari oo u dhashay dalka Mareykanka.
Saraakiil qariyay magacooda oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa warbaahinta u sheegay in dhowr todobaad kahor la dilay hoggaamiyahn katirsanaa kooxda Daacish, waxaana dilka hoggaamiyahan ka dambeesay kooxda Taalibaan oo ku raad-joogtay.
Mareykanka saraakiishooda ayaa sheegay in ay oggaadeen kaliya in la dilay hoggaamuyahan katirsanaa kooxda Daacish, mana sheegin Mareykanka qaabka ay kooxda Taalibaan u dileen hoggaamiyahan Daacish muhiimka u ahaa.