Home Afsomali Taliban oo Basbaas ku buufisay Haween banaan bax ka dhigay Kabul (DAAWO...

Taliban oo Basbaas ku buufisay Haween banaan bax ka dhigay Kabul (DAAWO SAWIRADA)

Magaalada Kabul ee caasimada dalka Afganistan waxaa ka dhacay banaan bax ay dhigayeen haween tiro yar kuwaa oo dalbanayay in Taalibaan xilal sare ka siiso haweenka dowlada ay soo dhiseyso.

Haweenkan banaan baxa dhigayay oo tobaneeyo gaarayay ayaa ka dalbanayay kooxda Taalibaan in ay ilaaliso Xaquuqda haweenka xilal sarana laga siiyo dowlada cusub ee dhawaan lasoo dhisayo.

Dagaalyahano katirsan kooxda Taalibaan ayaa kala eryay haweenkan banaan baxa dhigayay, waxa ayna kala eryida haweenkan u adeegsadeen sunta dadka kaga ilmaysiisa iyaga oo sidoo kale ku buufiyay basbaas

Taalibaan ayaa dhawaan shaacisay in dowlada ay soo dhisayaan xubnaha sare gaar ahaan Wasiirada aysan xubno ku yeelan doonin haweenka, waxa ayna tilmaameen in haweenka kaliya loo ogolyahay shaqooyinka hoose.

Waxaa la filayaa maalamaha soo aadan in kooxda Taalibaan  ku dhawaaqdo golaha Wasiirada , waxaana isha lagu wada hayaa nuuca ay noqon doonto dowlada ay soo dhisdayaan kooxda Taalibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.