Home Afsomali Taliska Booliska oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Al-shabaab ee xeebta Liido

Taliska Booliska oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Al-shabaab ee xeebta Liido

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii maleeshiyada Al-shabaab ay xalay ku qaadday makhaayadda Pearl ee xeebta Liida ay ku dhinteen sagaal qof oo lix ka mid ah ay ahaayeen rayid iyo saddex ciidamada ammaanka ah.

Booliska ayaa intaas ku daray inay 10 qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerarkaas oo lasoo af-jaray saqdii dhexe ee xalay.

Bayaan kasoo baxay booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in 84 qof oo ay ku jiraan carruur iyo waayeel laga soo badbaadiyay halka uu ka dhacay weerarkaas.

Kooda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.