Home Afsomali Dhageyso Taliska Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo ku hanjabay in ay...

Dhageyso Taliska Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo ku hanjabay in ay fadhiga ka kacayaan ayna ku qaadayaan Guluf dagaal saldhigyada Alshabaab ay ku leeyihiin Gobolada Dalka oo dhan

Taliyaha guud ee howlgalka midowga Africa AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle oo ayaa magaaalada Baydhabo ka sheegay in ay isku diyaarinayaan howlgalka ka dhan ah Al-shabaab.

Codka ka dhageyso Linkiga hoose 

Taliyaha ayaa kulamo la qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay AMISOM in ay kala hadleen sidii bishan Ramadaan loo qaadi lahaa guluf colaadeed oo ka dhan ah ururka Al Shabaab ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay saraakiisha labada dhinac in uu kala hadlay sidii loo furi lahaa wadooyinka xiran, si dadka loo gaarsiiyo gargaar ay u baahan yihiin.

Hadalka taliyaha guud ee ciidamada AMISOM ayaa xili  weerar loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay lagu bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM oo ka soo anbabaxay magaalada Marka, waxaana weerarka ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba lahaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay saraakiisha labada dhinac in uu kala hadlay sidii loo furi lahaa wadooyinka xiran, si dadka loo gaarsiiyo gar gaar.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.