Home Afsomali Taliska Ciidanka Bolice ka oo Afhayeenkii la sugu waayey sheegayna in la...

Taliska Ciidanka Bolice ka oo Afhayeenkii la sugu waayey sheegayna in la qabtay lacago sharci daro ah oobadan

Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa maanta gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka, lana socotay diyaarad ka timi dalka Kenya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in baaritaan dheeri ah xilligan ciidanku ku hayaan dhacdadan, ayna la wadaagi doonaan bulshada.

“Waxaan bogaadinayaa Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo maanta gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka, lana socotay diyaarad ka timi dalka Kenya. Baaritaan dheeri ah ayaa xilligan Ciidanku ku hayaan dhacdadan” ayuu yiri Taliyaha Booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.