Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybaha 27aad iyo 21aad ayaa howlgal wadajir ah waxaa ay Maanta ku qaadeen degaanka bukure oo hoostaga degmada maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.
Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan una dhaxeeyay ciidamada xoogga dalka iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaanka Bukuro, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
War kasoo baxay Taliska guutada 15aad ee qeybta 21aad ayaa waxaa lagu sheegay in weerar Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ku qaadeen deaanka bukuro kudileen tiro kamid ah Al-Shabaab, sidoo kalena ay kusoo furteen dhowr iyo Toban gacmeed oo qoryo ah oo ay kujiraan labo BKM.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay Warka kasoo baxay Taliska guutada 15aad ee qeybta 21aad in la burburiyay Saldhiyadii Ururka Al-Shabaab kulahaayeen degaanka Bukuro oo hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.