Home Afsomali Taliska Ciidanka xoogga oo soo bandhigay Rag katirsan Al-Shabaab oo isku soo...

Taliska Ciidanka xoogga oo soo bandhigay Rag katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad ee ka howlgalla degaannada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kusoo bandhigay Saddex Dhalinyaro ah oo katirsanaa Ururka Al-Shabaab balse isku soo dhiibay Ciidamada.

Raggan oo Magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Maadey Manuur oo magaciisa Afgarashadu yahay ( Xanad), Ibraahim Maxamed Ibraahim & Adan Cali Xuseen ayaa waxaa Baydhabo kusoo dhaweeyay Saraakiil katirsan Ururka 47aad Guutada 8aad ee Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo markii hore la soo xiriireen.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in raggaan ay muddo dhowr sano ah ka tirsanaayeen Ururka-Shabaab ayna ka soo dagaalameen meelo badan oo dalka ah, hayeeshee ugu dambeyn ay isaga soo tageen Ururka Al-Shabaab.

Saddexda Xubnood ee katirsanaa Al-Shabaab oo dhankooda Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababaha ay uga soo tageen Al-Shabaab ay tahay inay u adkeysan waayeen dhibaatooyin ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiil katirsan Ururka 46aad Guutada 8aad ee Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhankooda waxaa ay ugu baaqeen Xubnaha kale ee weli ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab inay isaga soo tagaan, isla markaana ay soo dhaweyn doonaan.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Koonfur Galbeed ku batay Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya qeybt 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.