Home Afsomali Taliska Ciidanka xoogga oo soo bandhigay Xubin katirsan Al-Shabaab oo isku soo...

Taliska Ciidanka xoogga oo soo bandhigay Xubin katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

 

Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kusoo Bandhigey Xubin la sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabo Ibraahim Macalin Yuusuf oo Magaciisa Afgarashada uu yahay (Suleymaan), kaas oo isku soo dhiibey Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ibraahim ayaa la sheegay  in uu muddo katirsanaa ururka Al-Shabaab, isaga oo ka qeyb qaatay  dagaalo dhowr ah oo ka dhacay Gobolada dalka, hayeeshee xiriir uu la soo sameeyay saraakiil katirsan qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay suurto gashay in uu isku soo dhiibo Ciidamada

Ibraahim Macalin Yuusuf oo Warbaahinta la hadlay ayaa sababta uu isku soo dhiibay waxaa uu ku sheegay inay jiraan dhibaatooyin dhanka nolosha ah oo ay ku ayaan Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in Xubnaha kale ee ku harsan inay isaga soo baxaan.

Saraakiisha Ciidamada qeybta 60aad ayaa dhankooda soo dhaweeyay Ibraahim  oo isku soo dhiibay, iyaga oo sheegay in weli Xubnaha ku harsan Al-Shabaab fursad u heystaan inay isku soo dhiibaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Bilihii la soo dhaafay ayaa saraakiisha Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60aad waxaa ay sheegeen inay kordheen xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isku  soo dhiibaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.