Home Afsomali Taliyaha Bolice-ka oo magacaabay Taliyayaal halka kuwa kalana xilkii uu ka qaaday

Taliyaha Bolice-ka oo magacaabay Taliyayaal halka kuwa kalana xilkii uu ka qaaday

Waxaa xilkii laga qaaday taliyihii ciidanka Booliska gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddika dib wareegto ka soo baxday taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed en. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid).

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Jen. Axmed Xasan Maalin oo xilkan horey u soo qabtay.

Jen. Maxamed Cumar Madaale oo horay isna u soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, balse muddooyinkii u dambeeyay howlgab ahaa ayaa loo magacaabay madaxa Hoggaanka Howlaha ciidanka Booliska Soomaaliyed.

Taliyeyaasha la isku bedelayo ayaa qeyb ka ah howlaha la doonayo in lagu xaqiijiyo amaanka magaalada Muqdisho, dhawaan ayeyna aheyd markii madaxweynaha Somalia uu bedel ku sameeyey dhamaan taliyeyaashii ugu sareeyey ciidamada.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.