Home Afsomali Taliyaha booliiska Jubbaland oo lagu daweenayo Isbitaal kuyaalla Muqdisho iyo Axmed Madoobe...

Taliyaha booliiska Jubbaland oo lagu daweenayo Isbitaal kuyaalla Muqdisho iyo Axmed Madoobe oo booqday

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqday isbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo Taliyaha Ciidanka Booliska Jubaland S/Guuto Cabdulaahi Cabdi Yuusuf

Madaxweynaha ayaa Sidoo kale mid mid u gacan qaaday bukaanada kala duwan ee ku jira isbitaalka Madiina ee Muqdisho  isagoo Alle uga baryay Caafimaad deg deg ah inuu siiyo.

Axmed Madoobe ayaa ku boggaadiyay maamulka Madiina iyo shaqaalaha isbitaalka shaqada culus ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magaalada Muqdisho u jooga ka qeybgalka shirka golaha wadatashiga Qaran oo shalay ka furmay xarunta madaxtooyada Soonaaliya.

Previous articleGolaha Wasiirrada oo yeeshay Shir dhowr arrimood looga hadlay
Next articleCiiddanka Gurmadka Degdega ee RSF oo soo riday Diyaarad Dagaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.