Home Afsomali Taliyaha Booliska Puntland Oo Toogtay Musuul Ka Soo Jeeda Deegaanka SSC.

Taliyaha Booliska Puntland Oo Toogtay Musuul Ka Soo Jeeda Deegaanka SSC.

Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland Bille C/rixmaan ayaa Ku dhawacmay rasaas uu riday Taliyaha Booliska Puntland kadib muran ka dhashay shir ay lahaayeen Laamaha amaanka iyo maamulka Gobolka Nugaal.

Taliyaha Booliska C/qaadir Shire faarax (Erag) ayaa isticmaalay Bistoolad kadib gacan ka hadal dhexmaray isaga iyo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne, waxaana dhawac lugta ah ka soo gaaray Taliye ku xigeenka booliska sida ay ii xaqiijiyeen goob joogayaal .

Goobta Falku ka dhacay waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Taliyaha Booliska iyo ku xigeenkiisa ,Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Gudoomiyaha gobolka nugaal iyo Taliyaha qaybta bopliska Nugaal .

Goobta Falku ka dhacay waxaa ku shirayey Wasiirka Amniga,Taliyaha Booliska iyo ku xigeenkiisa ,Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Gudoomiyaha gobolka nugaal iyo Taliyaha qaybta booliska Gobolka Nugaal

Sanadkii 2016, sidaan oo kale gacan ka hadal dhexmaray Taliyihii hore ee Booliska iyo Taliyahii Birmadka waxaa ku dhawacmay Wasiirkii amniga ee xiligaas Cabdi Cali (Qarjab ) iyadoo dhimasho iyo dhawac ka soo gaaray Ciidanka Puntland

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.