Home Afsomali Taliyaha Ciidanka Dhulka Uganda oo loo soo diray Soomaaliya Kadib weerarkii Al-shabaab...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Uganda oo loo soo diray Soomaaliya Kadib weerarkii Al-shabaab ee Buulo Mareer

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee dalka Uganda (UPDF), Lt. Gen. Kayanja Muhanga ayaa loo soo diray Soomaaliya, si uu u ogaado xaaladihii uu ku dhacay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Ciidanka Uganda ee Buulo Mareer.

Jimcihii 5-tii subaxnimo, ayaa ciidamo ka tirsan Uganda oo qeybta ka ah howlgalka KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS) lagu weeraray saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka Buulo Mareer oo 120 KM dhanka koonfur galbeed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Afhayeenka Difaaca, Brig Felix Kulayije ayaa sheegay  in ciidamada Uganda ay si hagar la’aan ah uga go’an tahay howlgalkooda Soomaaliya.

“Taliska Ciidanka difaaca Uganda waxay cambaareyneyaan weerarka ay argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen askarteenna. Si kastaba ha ahaatee, tani kama joojinayso sida ay nooga go’an tahay waajibaadka ATMIS ee xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida Afrika,” ayuu yiri Kulayije.

Alshabaab ayaa shalay la wareegay xeradii ciidamada Uganda ay ku lahaayeen Buulo Mareer, kaddib markii ay ku qaadeen weerar culus oo khasaare weyn dhaliyay.

Alshabaab ayaa gacan ku dhigay maxaabiis katirsan ciidanka Uganda. Waxay kaloo gubeen gaari Taangi ah iyo gaadiid kale oo dagaal.

Qaar kamid ah maydadka askarta Uganda ayaa la arkayay iyagoo daadsan xerada la wareeray, waxayna Shabaabku sheegeen inay ku dileen weerarka ku dhawaad 150 askari oo Uganda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.