Home Afsomali Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo la dardaarmay Ciidamada DANAB

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo la dardaarmay Ciidamada DANAB

Somalisan.net: Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa shalay tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan xoogga dalka, kuwaasoo muddo sideed bilood tababar uga socday Xerada Tababarka ee Jen. Dhegabadan Ex Jaziira.

S/Gaas Maxamed Aadan Azmed ayaa la dar daarmay ciidanka, isagoo tilmaamay in looga baahan yahay inay kalsooni ka helaan shacabka Soomaaliya, iyagoo ugu adeegaya si daacadnimo ah.

Taliyaha ayaa xusay inay muhiim tahay in ciidamada ay ka soo baxaan waajibaadka Qaran ee la saaray, gaar ahaan ka difaaca dalka ee cadowga dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed sida uu yiri.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa qeyb ka noqon doona ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska ee loo yaqaano Danab.

Ciidankan ayaa la siiyay qalab ciidan iyo gaadiidka qafilan ee gaashaaman, kaasoo ay isticmaalaan ciidanka AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.