Home Afsomali Taliyaha Cusub ee Loo Magacaabay Howlgalka Atalanta ee EUNAVFOR:

Taliyaha Cusub ee Loo Magacaabay Howlgalka Atalanta ee EUNAVFOR:

 


Maanta, Rear Admiral lgnacio Villanueva Serrano waxaa loo magacaabay taliyaha ciidamada cusub ee howlgalka midowga yurub Atalanta.

Xilkiisa ayaa bilaaban doonta 17-ka Maarso. Wuxuu ku dhaqmi doonaa amarka iyo xakamaynta dhamaan ciidamada milatariga ee howlgalada inta lagu jiro wareegga 34-aad, wuxuuna mas’uul ka noqon doonaa qorsheynta, abaabulka iyo fulinta howlaha militeri ee taatikada. Rear Admiral Villanueva Serrano, oo dhalasho ahaan Isbaanish ah, wuxuu kala wareegi doonaa taliye Commodore José Vizinha Mirones.

Wuxuu horay xilal sare uga soo qabtay Ciidamada Badda Spain (SPMAFOR), wuxuuna sarkaal ka ahaa Taliyaha Ciidamada Badda Spain. Wuxuu sidoo kale ka shaqeeyay xarunta howlgalada ciidamada isbahaysiga NATO sida shuruudaha awooda iyo sarkaalka qorsheynta ciidamada, iyo Pristina, Kosovo, isagoo ka shaqeynaya kormeere nabadeed iyo sarkaalka xiriirka ka dhexeeya howlgalka NATO iyo UN ee Kosovo. Go’aanka magacaabida Rear Admiral Villanueva Serrano waxaa qaatay gudiga siyaasada iyo amniga ee golaha.

Howlgalka Atalanta ee EU NAVFOR, wuxuu gacan ka geystaa xakamaynta, ka hortagga iyo cadaadinta falalka burcad badeednimada iyo dhaca hubeysan ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya. Howlgalku wuxuu qayb ka yahay habka guud ee Midowga Yurub ee nabad, xasilloon iyo dimuqraadiyad Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.