Home Afsomali Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari”waxaan meel ku ogahay Kooxo abaabulan oo...

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari”waxaan meel ku ogahay Kooxo abaabulan oo dhibaateeya dadka Shacabka ah.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bare G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa ka hadlay xaalada amni ee gobolka bari, isaga oo sheegay inay jiraan Kooxo abaabulan oo dhibaateeya dadka Shacabka ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Kooxaha abaabulan ay yihiin dhalinyaro yaryar oo dadka ku dhibaateeya Tooreey oo ay dhacaan, kuwaas oo uu sheegay inay hayaan Magacyadooda iyo dambiyada ay geysteen.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir waxaa uu uga digay Waalidiinka difaaca markii howlgal lagu qabto Carruurtooda oo dhibaato faraha kula jira,  wuxuna ka codsaday in ay Waalidintu kala shaqeeyeen Ciidamada Amniga Magaalada Bosaaso.

Warkaan kasoo baxay Taliska boooliska Gobolka Bari ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay bulshada kunool degaano katirsan gobolka Bari inay ka cabanayeen dhalinyaro ku hubeysan tooreey oo dhibaato ku haaya.

 

https://youtu.be/iLA5l_JgN4Q

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.