Home Afsomali Taliyayaal Ciidan iyo saraakiil gaaartay Galkacyo

Taliyayaal Ciidan iyo saraakiil gaaartay Galkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa gaaray wafdi saraakiil ah oo ka socda Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya gaar ahaan Taliyaha Ciidamada xoogga Odawaa Yuusuf Raage & Taliyaha Booliska Soomaliya Cabdi Maxamed Xasan Xijaar.

Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Galmudug, iyaga oo intaasi kadib la geeyay Xarunta Maamulka Magaalada Gaalkacyo.

Ujeedka wafdiga Taliyeyaasha Ciidamada xoogga dalka iyo Booliska ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay tahay ka qeyb-galka Aaska Magaalada Gaalakcyo loogu sameynayo saraakiishii ku geeriyootay qarixii Ismiidaaminta ahaa ee shalay gelinkii dambe ka dhacay Magaalada gaalkacyo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in saraakiisha ay sidoo kale u kuurgeli doonaan xaalada amni ee magaalada Gaalkacyo iyo sidii baaritaan loogu sameyn lahaa sida uu u dhacay qaraxa iyo halka laga soo abaabulay.

Taliyaha Ciidamada xoogga Odawaa Yuusuf Raage & Taliyaha Booliska Soomaliya Cabdi Maxamed Xasan Xijaar ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo mas’uuliyinta Maamulka Gobolka Mudug & kan degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.