Home Afsomali Taliye Odawaa oo Ciidamada uga digay inay dhibaateeyaan Shacabka

Taliye Odawaa oo Ciidamada uga digay inay dhibaateeyaan Shacabka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janeraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ujeedka taliya uu halkaasi u tagay ayaa ahaa inuu u kuurgalo xaaladda guud ee bulshada iyo ciidanka ka howlgalla tuulada Bariirre oo ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose iyo inuu ku dhiirri geliyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Ciidanka ayuu ku boorriyay inay ka feejignaadaan dhagarta cadwoga iuo inay gacan adag kula dagaallamaan Al-Shabaab, isaga oo u sheegay inay waajib ku tahay difaaca shacabka iyo dowladnimada.

Isaga oo sii hadlayay taliyaha ayaa Ciidamada waxaa uu uga digay inay dhibaateeyay dadka Shacabka xilli dhawaan Ciidamo katirsan kuwa Gorgor ay dad Shacab ah ku dileen degaankaasi Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa kulan la qaatay bulshada ku dhaqan degaanka Bariirre, isagoo ku boorriyay inay la shaqeeyaan ciidanka xoogga dalka maaddaama ay Carruurtooda iyo guryahooda ugu soo tageen inay naftooda iyo hantidooda ka badbaadiyaan cadowga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.