Home Afsomali Taliyeshaashii Nabadsugida,Milatariga Boliceka gudoomiyaha Gobolka Banaadir xilkii laga qaaday iyo kuwo...

Taliyeshaashii Nabadsugida,Milatariga Boliceka gudoomiyaha Gobolka Banaadir xilkii laga qaaday iyo kuwo kale oo madaxweyne Farmaajo Magacaabay

  • Sanbaloolshe Returns To Intelligence Mogadishu Mayor Axed In Security Shake-up (Goobjoog News)
  • Bodies of Somali Refugees Killed In Yemen Attack Yet To Be Buried As Families Seek Answers (Goobjoog News)
  • Turkey Condemns Bomb Attack In Somali Capital (Shabelle News)
  • Bomb Blast Near KM-4 Junction In Mogadishu (Garowe Online)
  • Galmudug Wraps Up Registration Of Candidates Vying For The Region’s Presidency (Jowhar.com)
  • Somali Prime Minister UAE Ambassador Discuss Relief Efforts In Dealing With Severe Drought Crisis (Emirates News Agency)
  • UPDF Soldiers Given Medals In Somalia(Daily Monitor)
  • President Trump Must Rethink Decision To Escalate U.S. Military Involvement In Somalia (Cleveland.com)

Former head of the intelligence agency NISA, Abdullahi Sanbalooshe, has been re-appointed in the same capacity as Mogadishu mayor Yusuf Jima’ale is relieved of his duties to be replaced by Somalia’s deputy head of mission in Washington,Thabit Abdi Mohamed.Reports from Villa Somalia also indicate President Mohamed Farmaajo has appointed,Jima’ale Irfid as chief of defense staff while Abdihakim Dahir Sa’id will now head the police.Sources close to the developments say president Farmaajo told the council of ministers he was declaring a full scale war against the militant group Al-Shabaab, a day after two bombings killed six people and injured at least 15 others in Mogadishu.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta si rasmi ah xilka looga qaaday, waxaana xilkaasi loo magacaabay Taabid Cabdi oo horey u ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, sidoo kale soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Xiligii Xasan Sheekh.

Shir ay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu meel mariyay magacaabista Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir iyo Xil ka qaadista Gudoomiyihii hore.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Taabit ayaa kamid ahaa saaxiibada aadka ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale qeyb weyn ku lahaa Ololihii uu kusoo baxay Madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Tabait oo ah nin dhalinyaro ah ayaa sidoo kale qaraabo dhaw la ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna qabaa gabar uu abti laxmi ah u yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

dhanka kale Taliyaasha Nabad Sugida ,Milatariga iyo Booliiska oo xilka laga qaaday iyo Taliyaal cusub oo la magacaabay

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo goordhaw shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa dood dheer kadib ansixiyay in xilka laga qaado Taliyaasha Ciidanka Nabad Sugida , Booliiska iyo Milatariga Soomaaliya iyo magacaabista Taliyaal cusub.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida ayaa laga qaaday Gen C/Laahi Gaafow Maxamuud waxaana xilkaasi loo magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horey usoo noqday Taliyaha Nabad Sugida Qaranka.

Waxaa sidoo kale xilka laga qaaday Taliyihii ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo Abaanduulaha Ciidanka, waxaana Taliyaha Cusub ee Milatariga loo magacaabay Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.

Taliyihii ciidanka booliiska Gen Maxmed Sheekh Xaamud ayaa isna sidoo kale xilka laga qaaday waxaana xilkan loo magacaabay Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay taliska ciidanka booliiska.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.