Home Afsomali Taliyihii Booliska Magaalada Qardho oo la dilay

Taliyihii Booliska Magaalada Qardho oo la dilay

Kooxo hubeysnaa oo la sheegay inay isticmaaleen waxyaabaha maanka dooriya ayaa saaka Magaalada Qardho ku dilay Taliyihii Booliska Magaaladaas Cumar Hiiraad Kaatuun.

Xilliga dilka uu dhacayay ayaa Warar la helay waxaa ay sheegayaan in taliyaha iyo Ciidamo uu watay ay kujireen howlgal lagula dagaalamayo dadka isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada waxyaabaha Maankandooriya.

Guddoomiyaha Gobolka ay Puntland ula baxday Karkaar Cabdi Siciid Cismaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka taliyaha, hayeeehee uusan ka bixin  faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan sida wax u dhaceen.

Ciidamada Ammaanka Magaalada ayaa wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka oo la sheegay inay qaarkood kujiraan Gudaha Magaalada Qardho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.