Home Afsomali Taliyihii Hore ee Ciidamada Sirdoonka Somaliland Oo Xil Sare ka helay, Ciidamada...

Taliyihii Hore ee Ciidamada Sirdoonka Somaliland Oo Xil Sare ka helay, Ciidamada Turkiga ee Muqdisho

Dowladda Turkiga, ayaa la sheegay inay saldhigyadeeda Ciidamada ee magaalada Muqdisho ka hawl-galisay saraakiil Soomaali ah oo uu ku jiro Taliyihii hore ee Ciidanka Sirdoonka Somaliland, Jeneraal Jaamac Maxamed Bootaan oo muddo 10 sanno ku dhow ahaa Taliyaha Ciidamada Wardoonka Somaliland.

ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay, oo ka agdhaw xarunta milatari ee turkigu ku leeyahay Soomaliya ayaa waxa ay noo xaqiijiyey in saraakiil Soomaliyeed oo uu kamid yahay Jeneraal Jaamac Maxamed Bootaan, ay Dowlada Turkigu ka hawlgalisay Saldhigooda Milatari ee ay ku leeyihiin Muqdisho, waxa kale oo wararku intaasi ku darayaan, In Jeneraal Jaamac Bootaan loo magacaabay Jago sare, isla markaana uu Ciidamada Turkiga ee Saldhig-goodu yahay Muqdisho uu Mr. Bootaan kala shaqayn doono dhinaca Sirdoonka.

Gesta kale Jeneraal Botaan ayaa xilligan deggan magaalada Ankara ee wadankaasi Turkiga, Tan iyo markii la magacabayna, waxa uu dhawr jeer socdaalo ku tagay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaliya.

Jeneraal Jaamac Bootaan oo ahaa Taliyihii ugu muddada dheeraa ee soo mara Ciidamada Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa uu xilkaasi Taliyanimo hayey ku dhawaad Sagaal Sanno, waxana xilkaasi u magacaabay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Madaxweynaha haatan Talada haya ee Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu ka qaaday Generaal Jaamac M. Bootaan, Xilkii Taliyaha Sirdoonka JSL March 28, 2019-kii oo wakhtigan ay ka soo wareegtay muddo Sannad Iyo dhawr Maalmood.

Muddada Sannadka ah ee uu Taliyuhu ka sii maqnaa, waxa kale oo wararku sheegayaan inuu dhowr Guri ka iibsaday Dalka Turkiga, ugu dambeyna halkaasi uu u raray qoyskiisa, waxaana la sheegay in dowladda Ankara u oggolaatay Jeneraal Jaamac iyo qoyskiisaba inay qaataan Dhalashada Dalkaasi Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.