Home Afsomali Taliye koox Nabadsugida dagmada howlwadaag oo gabari isku qarxisay

Taliye koox Nabadsugida dagmada howlwadaag oo gabari isku qarxisay

Waxaa goordhaw qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoosyada Baar Ubax iyo Black Sea gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaan Daallo ama Samantha Xaawa taako ee dagmda owlwadaag  waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan waxaa fuliyay qof dumar ah oo waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray kaa oo isku qarxiyay goob  ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya gaar ahaan kuwa dhar cad ah.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu ka dhacay geed hoostiisa ay inta badan fariisan jireen ciidanka dhar cadka ah, waxaana wararka soo baxaya qaarkood sheegayaan in qaraxa fulisay haweeney halka dadka qaarna nin sheegayaan.

Gaadiidka gurmadka deg dega oo soo gaaray goobta qaraxu ka dhacay ayaa goobtaasi ka qaaday dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa, walina lama oga khasaaraha dhabta ah ee qaraxan ka dhashay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.