Home Afsomali Talo Ku Aadan Weriyeyaasha. Qalinkii: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)

Talo Ku Aadan Weriyeyaasha. Qalinkii: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)

 

Faalo

Shaqada saxaafadda ama weriyenimadu waa shaqo adag oo u baahan aqoon, karti, hal-abuurnimo, feejignaan iyo xog-raadin marar badan ku dhisan xeeldheeri. Ma aha shaqo microphone ka uun inta la qaato wax la soo duubo ama wax la iska duubo.

Weriyaha waxa looga baahan yahay inuu yeesho aqoon guud oo ka caawinaysa fahamka hab-adeegsiga sharciga, xaaladaha dhaqan-dhaqaalaha ee bulshada uu la nool yahay, siyaasadda, caafimaadka, taariikhda, deegaanka iyo wixii la midka ah.

Weriyaha waxa looga baahan in bulshada hago u soo bandhigo hadba wixii cusub ee su’aali ka taagan tahay ama bulshada ku dhex cuscub. Weriyaha loogama baahna  inuu noqdo qof mar kasta suga in wax loo sheego ama wax uu duubo loogu yeedho ee waxa looga baahan yahay inuu xogaha qarsoon raadiyo oo uu dibadda u soo saaro.

Marka ay dhacdadu cusubtay waa war, haddii ay dhacdo oo xilli ka soo wareego laga hadhi maayo’e waa la falanqaynayaa si bulshada loogu bayaamiyo sidii ay wax u dhaceen ama wax u jiraan iyo haddii aad loogu baahan yahay in axadhis xeeldheer lagu sameeyo.

Marka wax dhacaan tusaale ahaan; haddii meel suuq ah dab qabsado, marka koobaad waxa la werinayaa waa dabka iyo khasaara ka dhashay oo waxa laga samaynayaa waa war. Marka labaad waxa laga samaynayaa lafa-gur ama falanqayn oo waxa si mug leh la isu dultaagayaa saamayntii khasaaraha dabka iyo waxii laga qabtay, oo dhacdadiiyoo tagtay ayaa laga dabategayaa. Marka saddexaad waxa warbixin ‘feature” ah laga samaynayaa qof ka mid ah ganacsatadii suuqa ee dhibtu soo gaadhay.

Maalintii dhawayd ee xisbiga WADDANI shaaciyey inuu yeelanayo guddoomiye iyo hogaamiye, waxa ka dhashay su’aalo kala duwan oo bulshadu iswaydiinaysay. Waxa aan sugayay in weriyeyaashu ay falanqayn ku samayn doonaan oo bulshada u soo bandhigi doonaan sida ay labadaa xil isu qabanayaan, sababta uu xisbigu hannaankaas maamul u doortay in masuuliyiinta xisbiga arrimahaa la hordhigayo, isla markaana loo bandhigo khuburo aqoon u leh cilmiga la xidhiidha maaraynta iyo hogaaminta (Management and Leadership). Waana hab jira in xisbiyada, ururada ama hay’aduhu ay yeeshaan hogaamiye iyo guddoomiye. Taasi ma dhicin oo weliba weriyeyaashii aan ka sugayay lafa-gurkaas inay samayn doonaan may samayn, halka qaar ka mid ahi baraha bulshada ku soo qorayeen su’aalo la mid ah sida ay shacabku is waydiinayeen ee ahayd sida ay laba xil isu qabanayaan.

Dhacdo kale oo maalin dhawayd jirtay oo ahayd garsoorayaashii Boorama isku casilay ayaan iyana weriyeyaasha Boorama ka sugayay inay si xogogaalnimo ah uga soo wartebin doonaan. Weliba inay dabageli doonaan eedo ay soojeediyeen iyo inay bulshada wax ka waydiin doonaan. Waxa keliya ee ay soo gudbiyeen waxay ahayd in guddoomiyaha maxkamadda racfaanka iyo garsoorayaasha la shaqaynayay ee iscasilay wixii ay u sheegeen oo ahayd inay faragelin lagu hayo, in garsoorku ka leexday waddadii toosnayd, in la galay xaalad siyaasadeed oo aanay ku shaqayn kaarin iyo eedaymo kale oo ay u soo jeediyeen hogaanka garsoorka Somaliland. Ma jirin weriye keli ah oo warbixintiisa ku daray xidhiidh uu la sameeyey hogaanka garsoorka ee eedda loo sameeyey oo wararkii laga sameeyey waxay ahaayeen kuwo aan dheellitirnayn. Ma jirin weriye dabagal iyo falanqayn sameeyey. Taasi waxay kalliftay in maalintii ku xigtay uu hadlo guddoomiyaha maxkamadda sare oo jawaab ka bixiyey eedayntii ay soo jeediyeen garsooyaaha Boorama isku casilay.

Dhacdooyinkan aan soo qaatay waxay ahaayeen tusaaleyaal kooban oo aan doonayo in aan idinku soo dhaweeyo nuxurka ujeedka aan u socdo. Waxa ay yihiin talooyinka aan soo jeedinayaa:

Fadlan ha la xoojiyo oo tayo ha loo yeelo warbixinadda la samaynayo, iyadoo si gaar ah muhiimad loo siinayo samaynta falanqayn ku saabsan had ba xaaladda taagan ee bulshada ka dhex jirta. Haddii aanad aqoon kugu filan lahayn oo awooddii aad falanqayn kudiyaarin lahayd aanad lahayn raadso aqoontaas, adiga oo dadka aqoontaas leh wax ka baranaya oo wax waydiinaya.

Marka aad doonayso inaad falanqayn samayso ha noqoto qoraal, muuqaal ama dhegaysi ba waa inaad haysaa mowduucii, ka dib na aad ka doorataa xagasha (angle) aad ka geli lahayd. Ka dib na wa inaad doorataa dadkii falanqayntaas kaala qayb geli lahaa, adiga oo diyaarsanaya su’aalaha wax ku ool ka ah ee aad adeegsanayso.

Waxa aan mar kale ku celinayaa, fadlan ha la sameeyo lafa-gur/falanqayn madaxbannaan oo oo aqoon ku dhisan oo bulshada loogu caddanayso sida saxda ah si ay ugu go’aan qaataan. Yaan shaqo laga dhigan oo aan lagu koobnaan dhacdooyinka maalinlaha ah ee qodob-wareedka laga sameeyo.

Marka aad falanqayn samaynayso xogaha aad adeegsanaysaa ha noqdaan kuwo sax ah oo aan male-awaal iyo abuurasho toona ahayn. Waa inaad baadhitaan iyo dabagal samaysaa oo adiga oo wax fahamsan aad wax diyaarisaa.

Falanqaynta fiicani waxay timaadaa marka aad qaado waraysiyo fiican oo dibadda soo dhigaya xogta aad u baahan tahay. Waraysiyadaasina waxay kaaga baahan yihiin inaad si hufan u diyaariso una qaado isla markaana su’aalahooda aad u diyaariso.

Sidaa daraadeed, waxa aan halkan idinku soo gudbinayaa talooyin uu isku soo dubbariday tababare/Suxufi Mahad Jaamac Koronto, kuwaas oo uu ugu talogalay weriyeyayaasha iyo dadka kale ee waraysiyada qaada. Waxaana talooyinkaasi u dhignaayeen sidan:

  1. Haddii aad qof waraysanayso ha waydiin su`aal aadan jawaabteeda sii hayn:- Tan macnaheedu waxaa weeye haddii aadan jawaabta sii hayn oo aad su`aal waydiiso wixii uu kuu sheego ayaa kuu run ah. Qofka inuu run kuu sheegay iyo inuu been kuu sheegay waxaad ku kala xukmisaa heerka ogaanshiyahaagu gaarsiisan yahay.
  2. Qofka marka uu kuu jawaaabayo ha go`aansan inuu iska difaacayo su`aasha:- Waxaa suurto gal inuu arrintii aad ka filaysay inu iska difaaco ee aad u soo diyaarsatay su`aalaha difaaca aad uga saaraysid uu kuu qirto dabadeedna dhinac aadan ku tala galin uu kula aado, waxay kugu keeni kartaa in waraysigaagii hakado.
  3. Ha waydiin cidna su`aal aadan hadal ka lahayn oo aan qiimo kuugu fadhin: Inaad qofka su`aasha noocaas ah waydiiso sabab baa keentay haddii aysan sababi keenin wakhti badan ha galin isagana ha daalin ku tala gal in daqiiqad kasta oo waraysigaaga ka mid ahi ay macne wayn ku fadhido, wixii la ogaa ee iska caadiga ahaa waydiintiisu waxay dhaawacaysaa waraysigaaga.
  4. Ha waydiin su`aal jawaabteedu HAA ama MAYA ay noqon karto haddii aanay duruufi keenin:- Waxay leedahay dhibaatooyin ay ka mid tahay qofkii oo hadalka kuu soo gaabiya iyo iyadoo waraysigaagu u ekaado mid aad adigu qofka meel u wadato un.
  5. Inaad qofka la murantid iyo inaad waraysi la yeelatid way kala duwan yihin:- Waraysiga waxaa asal u ah in wax laga faa`iido oo la is ixtiraamo laakin haddii qofka aad ka xanaajiso si qayladu u badato macnaha ayay dilaysaa.
  6. Haddii qofka aad su`aasha waydiisay uu ku jawaabo si adag ogow waxa uu ku xanaaqay adiga maaha ee waa su`aasha iyo dadwaynaha daawanaya ama dhagaysanaya. Badanaa dadka siyaasiyiinta ahi waxay doonaan in qofka waraysiga la yeelanaya ay weeraraan si macnihii waraysigu u leexdo.
  7. Qofka aad waraysanayso marka ugu horaysa ha waydin su`aal adag ama middii asalka u ahayd waraysigaaga.

Mahadsanidiin.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.