Xajku waa cibaado weyn oo kheyr badan laga helayo haddii uu qofku u guto sida saxda ah. Berri ay xujayda tagay Sacuudiga u safri doonaan Mina si ay u guda galaan gudashada waajibaadka xajka.
Sida uu qorshuhu yahay salaadda subax kaddib waxaa billaabaneysa daabulidda dhammaan xujeyda ka imaanaysa magaalada Makkah ilaa Mina, halkaas oo ay ku qaadan doonaan maalmaha gudashada waajibaadka xajka.
Qaar ka tirsan, booqashadu waxay u noqon kartaa booqashadoodii ugu horreysay, qaar kalena waxaa laga yaabaa inay halkaasi sii joogeen.
Si kastaba ha ahaatee, marka laga soo tago cibaadada ay xujeydu gudan doonaan, waxaa jira waxyaabo kale oo ay tahay inay isku diyaariyaan si ay arrimuhu ugu sahlanaadaan.
Waxaa jira su’aalo badan oo Muslimiinta qaar ay maskaxda ku hayaan sida: sidee buu nidaamka socdaalku noqon doonaa? Maxay tahay inay bixiyaan? Diyaarin noocee ah ayay sameyn doonaan? iyo kuwo kale.
Waa su’aalaha aan jawaabahooda ku eegi doonno qormadan kooban, annagoo weliba xujayda ka siin doonna talooyin kooban oo ku aaddan qaabka loo gudan karo cibaadada qiimaha badan ee xajka
Waxyaabaha ugu wanaagsan ee ay tahay in ay sameeyaan dadka xajinaya waxaa ka mid ah in aysan qaadan shandado waaweyn, sababtoo ah goobaha uu qofku tagayo ma ahan kuwo waqti badan uu joogayo oo si ku meel gaar ah ayuu qofka u joogayaa dhulka barakaysan.
Waxyaabo yaryar
Ha illaawin in aad qaadato shandadao yaryar oo aad ku qaadato waxyaabaha muhiimka ah , taladaan waxaa loo jeedinayaa rag iyo dumarba.