Home Afsomali Talyaaniga oo gurmad u sameeyay 1,200 oo tahriibayaal ah

Talyaaniga oo gurmad u sameeyay 1,200 oo tahriibayaal ah

Talyaaniga oo gurmad u sameeyay 1,200 oo tahriibayaal ah

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sameeyay labo howlgal oo ay ku soo badbaadiyeen ku dha waad 1,200 oo tahriibayaal ah oo la socday doo mo soo gaaray xeebaha Magaalada Sicily iyo de egaanno kale.

Mid kamid ah doomanka waxaa saarnaa illaa 800 oo qof oo tahriibayaal ah,halka mid kale oo doom anka kalluumeysiga ah , ay la socdeen 400 oo ruux.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay inta lagu guda jiray howsha badbaadinta, waxaana dadka asi tahriibayaasha ah ay muddo dhowr cisho ah ku sugnaayeen xeevaha Talyaaniga,iyagoo doona ya in dowladda ay qaabisho ama ay soo dhow eyso.

Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa Jimc ihii sameeyay howlgal lagu badbaadiyay illaa 2, 000 oo qof.

Dadka soogalootiga ah ee tagaya Talyaaniga ayaa aad u kordhay marka la barbar dhigo sann adkii hore, in kasta oo ay dawladda isbahaysiga garabka midig dadaal ugu jirto sidii ay u joojin lahayd socdaalka aan caadiga ahayn.

In ka badan 26,000 oo qof ayaa ku dhintay ama lagu waayay badda Mediterranean-ka tan iyo 2014-kii, sida laga soo xigtay IOM Ururka Caa lamiga ah ee la socodka Muhaajiriinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.