Home Afsomali Tarminalkii dowladu Xirtay oo hanjabàad ku keenay dowlada

Tarminalkii dowladu Xirtay oo hanjabàad ku keenay dowlada

Khilaaf xooggan ayaa ka dhex-qarxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo QM iyo AMISOM, kadib markii terminal ay adeegsadaan oo ku yaalla garoonka Aadan Cadde ay xirtay dowladda laba toddobaad kahor.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM iyo AMISOM ayaa qoraal ay warbaahinta la wadaageen kadib go’aankaas ku sheegay inay u hoggaansamayaan go’aanka Soomaaliya.

Si kastaba, sida ku cad warqad qarsoodi ah, labadan urur ayaa si rasmi ah uga horyimid go’aanka dowladda federaalka, ayaga oo ku dooday in xiritaanka terminal-ka MOVCON ee xilligan uu halis gelinayo diblomaasiyiinta iyo askarta adeegsada garoonka ee qaarkood wata hubka.

Warqad diblomaasiyadeed oo loo yaqaan Verbale, oo UNSOM iyo AMISOM direen dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri “waxaan ku baaqeynaa si deg deg ah dib loogu billlaabo howlgallada terminal-ka, si loo xaqiijiyo sii wadidda iskaashigeena, iyo in si fudud loo fuliyo waajibaadkeena.”

“Go’aanka ay dowladda federaalka si deg deg ah ugu xirtay Terminal-ka ma ahan mid la jaanqaadi kara iskaashiga wanaagsan iyo xiriirka wada-shaqeyn ee QM iyo AMISOM ay la lahaayeen dalka aan martida u nahay tan iyo markii la billaabay howlgalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warqadda loo diray wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

UNSOM iyo AMISOM ayaa waxaa Muqdisho ka jooga tiro shaqaale oo la taaban karo, kuwaas oo aad u adeegsada garoonka Aadan Cadde.

Warqadda loo diray dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in shaqaalaha caalamiga ah oo loo wareejiyo terminal-ka ay adeegsadaan shacabka uu abuuray ciriiri, islamarkaana shaqaalaha QM iyo AMISOM “ka dhigeysa kuwa durbadiiba la aqoonsan karo, oo noqon kara bartilmaameed,” taasi oo sidoo kale halis gelineysa shacabka.

QM iyo AMISOM ayaa sidoo kale ku dooday xiritaanka Movcon ay ka dhigan tahay in diyaaradaha rakaabka iyo xamuulka ee labadan urur ay culeys ku noqon karaan dibna u dhigi karaan duulimaadyada rayidka ah ee garoonka Aadan Cadde.

Kadib markii dowladda federaalka ay xirtay terminal-ka MOVCON waxay sheegtay inay la wareegi doonto, islamarkaana geyn doonto shaqaale amni oo Soomaali ah, ayada oo ku eedeysay kuwa caalamiga ah inay dhinac maraan nidaamka amni.

Si kastaba UNSOM iyo AMISOM ayaa u sheegay dowladda federaalka inay raacdo heshiiska loo yaqaan SOMA, oo ay horey u wada galeen, islamarkaana lagala tashado kahor inta aan shaqaale Soomaali ah la geyn terminal-ka.

Heshiiska SOMA ayaa dhigaya in ayada oo aan la eegeyn cidda sameysay xarunta, ay QM mar kasta si toos ah u maamuli doonto.

Waxaa sidoo kale warqadda lagu sheegay in marar badan ay dhacday in duulimaadyada QM ay soo cago dhigteen garoonka ayaga oo aan kahor waaxda socdaalka usoo gudbin dokumentiyada rasmiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibdda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah duulimaadyada adeegsada MOVCON ay soo qaadeen dad aan haysan baasabooro ama ay warqado ka dhiman yihiin, taasi oo ka dhigan inay si sharci darro ah kusoo galeen Soomaaliya.

Warqadda ayaa qaar ka mid ah qandaraaslayaasha QM ku eedeysay inay terminal-ka MOVCON u adeegsadeen inay ka gudbiyaan waxyaabo sharci-darro ah.

Warqadda ayaa intaas ku dartay in sidoo kale ay jiraan xaalado qaar ka mid ah shaqaalaha waaxda socdaalka lagu xadgudbay ama loo hanjabay, taasi oo horey loogala hadlay QM.

Ma cadda, haddii dowladda federaalka ay ka laaban doonto go’aankeeda, ayada oo warqadda QM iyo AMISOM ay direen laga dheehan karo hanjabaad ah inay joojin doonaan howlgalladooda, haddii aan dib loo furin terminal-ka.

UNSOM iyo AMISOM ayaa dalbaday kulan ku aadan arrintan oo ay la yeeshaan dowladda federaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.