Garoonkaa ayaa si qarsoodi ah waxaa u isticmaali jiray burcada ku qaraabada beesha caalamka magacooda kuwaa oo mararka qaar u isti maali jiray dilalka qaarajinta ah sidii kii gabadhii elman iyo soo galinta agabyada aan diinteenu ogoleyn waxaana laga dhoofin jiray ugaarta duurjoogtaa xubnaha jirka bino adamka iyo wax kasta oo ay doonaan.
Maareeye kuxigeenka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in la xiray illaa amar dambe Terminalka Movcon ee ay isticmaali jireen Qaramada Midoobey, AMISOM iyo Safaaradaha reer Galbeedka, kaddib warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Sidoo kale waxaa lagu amray inay wixii hadda ka dambeeyay dhammaan duulimaadyada imaanaya iyo kuwa baxaya inay isticmaalaan Terminaalada qeybaha gudaha, caalamiga iyo qeybta VIP-da.
Terminal looga shaki qabay in laga dhoofiyo xubnaha jirka binadamka duurjoogta dalka iyo waxyaabo kale oo la xirey
Dowlada Soomaaliya ayaa albaabada u xirtay Terminalka (UN-ka ) qaybta garoonka Aadan Cade kadib markii (UN-ka ) & Amisom ay diideen in la halkaas la geeyo ciidan boolis ah oo baara lana socda waxa ay dalka soo gelinayaan & waxa ay la baxayaanba.
https://youtu.be/q1K4ge78oaY