Home Afsomali The leader of al-Shabab Mukhtaar Roobow first met with US officials—-...

The leader of al-Shabab Mukhtaar Roobow first met with US officials—- Mukhtaar Roobow oo markii ugu horeyssay la kulmay Saraakiil Mareykan ah

A delegation led by Mukhtar Robow Abu Mansoor, who recently returned from Djibouti, returned to Mogadishu.  Reliable sources say that the delegation consisting of four members met with US officials in the US emirate in Djibouti.

Wafdi ka socday Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

 Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wafdigan oo ka koobnaa afar xubnood ayaa waxay la kulmeen Saraakiil Mareykan ah oo ka tirsan Taliska Mareykanka Africom ee fadhigooda ahaa dalka Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan oo ka wakiil ahaa Mukhtaar Roobow ay kala hadleen Saraakiisha Mareykanka sidii ay isaga kaashan lahaayeen howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo taageeri lahaa abaabulka dagaal uu wado Mukhtaar Roobow.

Mukhtaar Roobow ayaa wada abaabul dagaal iyo mid ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana muddooyinkii u dambeeyay uu safaro ku marayay magaalooyinka dalka, si uu taageero ugu helo maamul goboleedyada.

Ilo wareedyo ku dhow dhow dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in wadaadkan loo diyaarinayo xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed oo doorashadiisa ay dhici doonto bisha November ee soo socota, waxaana jiray tallooyin loogu jeediyay inuu isa soo sharaxo.

Abuu Mansuur oo ka mid ahaa aas aasayaasha Shabaab ayaa sanadkii hore sheegay inuu isaga baxay Al-Shabaab, iyadoo maleeshiyo taageersan oo ku sugan Bakool ay dhowr jeer dagaalo la galeen xooggag taabacsan Shabaab.

Bishii la soo dhaafay ayaa Abuu Mansuur dalka Sacuudiga u aaday, si uu usoo cumreysto, waxaana ay aheyd markii u horeysay oo safar dibadeed u baxo, tan iyo markii laga saaray liiska waxa loogu yeero argagixisada iyo lacagtii madaxiisa dulsaarneyd xilligii uu ahaa hoggaamiyeyaasha sarsare ee Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.