Home Afsomali Thomas Sankara madaxweynihii Burkino Faso ee Galbeedka Africa

Thomas Sankara madaxweynihii Burkino Faso ee Galbeedka Africa

Thomas Sankara madaxweynihii Burkino Faso ee Galbeed ku dileen wuxuu yiri, hadaad rabtaan inaad ogaataan, micnaha Imbaraadoor, waxaad fiirisaan saxanka cutadiina, waxaad cuntaan Digir dibadda laga keenay, waxaad cuntaan khudaar dibadda laga keenay adigoo beeraha hodan ku ah, waxaad xirataa dhar dibadda laga keenay adigoo suufka beeran kara.

Thomas Sankara muddo afar sana oo uu joogay dalkiisa wuxu ka dhigay mid aan cunta dibadda ka keensan ee isku filan, wuxuu talaalay 3,000,000 oo caruur ah, dadka wax aqrin kara oo 16% ahaa wuxuu gaarsiiyay 76%, wuxuu xaraashay dhamaan gawaaridii qaaliga ahaa isago ku badalay kuwa raqiis ah si uu dhaqaalaha dalka dib ugu celiyo, wuxuu amray in ciidanku xirtaa dhar laga sameeyay suufka dalka, wuxuu mushaarka ka dhimay dhamaan shaqaalaha dowladda oo uu isagu ku jiro, xitaa wuxuu diiday inuu mukeef xafiis kiisa ku xirto maadaama mukeef ku uu ka mid ahaa nolosha raaxada leh, wuxuu dhisay waddooyin waaweyn, iskuulo lacag la’aan ah ayuu deegaan walba ka hirgiliyay, wuxuu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee badalada heesta Calanka dalkiisa, sidoo kale magaca Burkina Faso isagaa bixiyay, wuxuuna ka badalay magacii gumeystaha ee ahaa Upper Volta.

Afar sana ayuu intaa ku qabtay, balse waxaa dilay saaxiibkiis oo adeege u ahaa Galbeedka, kaasoo muddo 27 sana ahaa dalka xoog ku hetstay, Burkina Fasa na u celiyay sidii ay aheyd iyo si kasii xun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.