Home Afsomali Thomas Solomon: “4.5 Milyan oo ruux ayay saameysay Abaarta Soomaaliya”.

Thomas Solomon: “4.5 Milyan oo ruux ayay saameysay Abaarta Soomaaliya”.

Tirada dadka ay saameysay Abaarta kajirta Somalia oo la shaaciyay
Sarkaal sare oo u hadlay hay’adda Maraykanka u qaabilsan mucaawimada dibedda ee USAID ayaa u sheegay idaacadda VOA inay ka walaacsan yihiin in markii afraad xilli-roobaadkan roobka da’aya uu ka yaraado roobkii la filayey taasi oo uu sheegay inaan horey loo arag.

Thomas Solomon oo ah madaxa xafiiska arrimaha bani’aadminnimada hay’adda USAID ee Soomaaliya ayaa waraysiga uu ku bixiyey ku sheegay in dadka ay haatan abaaruhu saameeyeen Soomaaliya ay dhan yihiin afar milyan iyo shan boqol oo kun oo qof oo ay ku jiraan hal milyan iyo afar boqol oo kun oo carruur ah oo nafaqo-darro hayso.

Roob la’aanta ka dhacday Soomaaliya ayaa waxaa ay keentay abaar  xoogan oo saameeysay dad iyo Duunyo taas oo siweyn looga dareemay degaano kuyaalla Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.