Home Afsomali Tilmaamaha uu leeyahay Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobalka Banaadir Mudane Abduqaadir...

Tilmaamaha uu leeyahay Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobalka Banaadir Mudane Abduqaadir Maxamed Maxamuud Caana Booro

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobalka Banaadir Mudane Abduqaadir Maxamed Maxamuud Caana Booro waa Masuul Tilaabooyinkiisa la mahadadiyay.
Wuxuu yaqaanaa Gudoomiye Caano Booro fulinta iyo dejinta Yoolasha Maamulka maaliyada ee Gobalka Banaadir.

Maamulka & maarayntu waxay leedahay 4 waaxood oo ah dhidibada ay ku taagan tahay waxayna kala yihiin;
1) Qorshaynta (Planning),
2) Nidaaminta (Organizing),
3) Hogaaminta (Leading), iyo
4) Dabagalka (Controlling).

Qorshaynta (planning): Waa unkidda ahdaafta ururka iyo dejinta wadiiqooyinka lagu gaari karo ahdaaftaas, waa dejinta istiraatiijiyad cad ee mustaqbalka iyo qeexidda dariiqa loo marayo gaaritaankeeda. Waana ninka si daah furnaan iyo Hufnaan ku jirto u qorsheeyay hadaba Qorshayntu waxay ka jawaabaysaa Su’aalo kala ah: Halkee ayay Hadda Joogta Xogta maamulka iyo Maaliyada? Halkee ayaan maagan nahay in aan gaarno? Sidee ayaan ku gaaraynaa?.
Hawlaha ugu waaweyn ee uu fuliyo Gudoomiye Abduqaadir Maxamed Maxamuud Caana Booro waa qorshaynta Maaliyadeed ee Gobalka Banaadir waxay kala yihiin:
1. Jaangoynta yoolasha Maamulka Maaliyadeed ee Gobalka banaadir
2. Qeexidda Wadiiqooyinka
3. Dejinta Qorshe hoosaadyada
4. Miisaamidda iyo isu dheellitirka
Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobalka Banaadir Mudane Abdulqaadir Maxamed Maxamuud Caaano Booro

markii aad waraysato dadka la shaqeeya waxay kuu sheegayaan inuu yahay Gudoomiye sax ah oo deggan , inta aan ka arkay waa Gudoomiye qaata go’aanada toosan oo niyad samida leh.

Sidoo kale waa Gudoomiiye ku caan baxay af-tahannimo waa nin jecel saaxiibada iyo waliba Iska warqabka, Mudane Caana booro waa Aqoon yahan aad Wax kororsan karto markii aad la sheekaysato . Ogow waa mid ka mid ah Hogaamiyaha ugu Saamaynta Badan Maamulka Gobalka Banaadir.

Mudane Abdulqaadir Maxamed Maxamuud Caana Booro waa Hogaamiye leh Naxariis iyo damqasho waana Hogaamiye Caawiya Bulshada Soomaaliyeed. Sida aad shaashadaha ka daawateeen

Qore : Garaad Mohamed Ali Mohamed
Gudoomiyaha Kmg ah ee Dhalinyarada Beesha abakar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.