Home Afsomali TIRADA DADKA DUNIDA

TIRADA DADKA DUNIDA

Shalay oo Isniin ahayd, 20/07/2020 tirada dadka dunida ku nooli waxay gaartay 7,800,500,000 oo qof.

Dalalka dunida ugu dadka badani waxay kala noqdeen China (1,440 milyan), India (1,381 milyan), USA (331 milyan).

Tobanka dal ee dunida ugu dadka badan, waxa kamid ah afar muslin aad h; Indonesia (4aad-274 milyan), Pakistan (5aad-221 milyan), Nigeria (7aad-206 milyan) iyo Bangladesh (8aad-165 milyan).

Qaaradda Afrika, xagga tirada dadka, waxa kaalimaha ugu horreeya ku jira dalalka; Nigeria (206 milyan), Egypt (102 milyan) iyo Ethiopia (100 milyan).

Shalay, tirada dadka Soomaaliya waxay ahayd lix iyo toban milyan (16,000,000), halka dalalka deriska ah ee Kenya iyo Ethiopia ay kala ahaayeen (50 milyan iyo 100 milyan).

Sjalay, dunida waxa kusoo biiray ama dhashay carruur tiro ahaan hal milyan gaaraysa, waxana dhintay dad dhan 426 kun oo qof. Sidoo kale, sanadkaan 2020 dunida waxa u dhalatay carruur dhan 68 milyan, waxana dhintay 29 milyan oo qof.

Caqiiddooyinka ugu waaweyn ee dadka dunidu ay aaminsan yihiin waa afartan; Kirishtaan (2,330 bilyan), Islaam (1,938 bilyan), Diin laawayaal (Atheists) (1,156 bilyan), Hindu (1,140 bilyan).

Ugu dambayn, tirada dadka dunida oo iminka kor u dhaaftay 7 bilyan kuna kala nool; 1 bilyan (America): 1 bilyan (Europe), 1 bilyan (Africa): 4 bilyan (Asia), tiradaasi Dhammaad ka qarnigan waxay gaari doontaa 11 bilyan, hase yeeshee, xagga saamiga, waxay isku beddeli doontaa sidatan; 1 bilyan (America): 1 bilyan (Europe), 4 bilyan (Africa): 5 bilyan (Asia).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.