Home Afsomali Tirada dadkii ku dhintay dhulgariirkii Turkiga oo sii kordhaysa

Tirada dadkii ku dhintay dhulgariirkii Turkiga oo sii kordhaysa

Tirada dadka ku dhintay dhulgariir xooggan oo ku dhuftay koonfurta bari ee dalka Turkiga, una dhow xudduudda Suuriya, ayaa laga yaabaa inay kororto siddeed laab, sida ay ka digtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Khasaaraha, oo hadda maraya in ka badan 3,400 oo qof, ayaa si degdeg ah u kordhay, tan iyo markii dhulgariirkii ugu horreeyay uu dhacay subaxnimadii Isniinta.

Qiyaastii 12 saacadood ka dib, gariir labaad oo xoog leh, ayaa ku dhuftey waqooyiga.

Samata bixiyeyaashu ayaa waxay isku dayeen inay dhex maraan buuro burbur ah oo qabow iyo xaalad baraf ah, si ay u helaan kuwa badbaaday.

Wadamada adduunka ayaa soo diraya taageero, si ay qeyb uga noqdaan dadaallada samata bixinta, oo ay ku jiraan kooxaha takhasuska leh, eeyaha wax uriya iyo qalab-ba.

Hey’adda Sahanka dhulka ee Maraykanka, ayaa sheegay in dhulgariirka oo cabirkiisu ahaa 7.8, uu ku dhuftay 04:17 wakhtiga maxaliga ah (01:17 GMT), oo masaafadiisu aheyd 17.9km (11 mayl) meel u dhow magaalada Gaziantep.

Khubarada cilmiga dhulka, ayaa sheegay in dhulgariirkii ugu horreeyay uu ahaa midkii ugu weynaa ee abid laga diiwaan geliyo Turkiga. Samata bixiyeyaasha, ayaa waxay sheegeen inay qaadatay laba daqiiqo in gariirku joogsado.

Dhulgariirkii labaad – oo uu dhaliyay kii hore – ayaa cabirkiisa lagu sheegay 7.5, waxaana xudduntiisu ay ahayd degmada Elbistan ee gobolka Kahramanmaras.

Dhul gariir badan, ayaa wali laga dareemayaa guud ahaan dalalka gobolka uu dhaco wadanka Turkiga.

Tirada dhimashada iyo dhaawaca ee labada wadan ee Turkiga iyo Suuriya, ayaa si degdeg ah u korodhay Isniintii oo dhan.

WHO ayaa ka digtay in tiradaasi ay u badan tahay inay kordho ilaa sideed laab, iyadoo samata bixiyeyaashu ay heleen dhibanayaal badan oo burburka ku hoos jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.