Home Afsomali tirada dhimashada weerarakii ismidaaminta ahaa oo la sheegay in ay ka badan...

tirada dhimashada weerarakii ismidaaminta ahaa oo la sheegay in ay ka badan tahay 90

Ugu yaraan 90 ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen qarax gaari loo adeegsaday oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho.

https://youtu.be/0U0s-GA_uSs

Qaraxa ayaa ka dhacay bar koontarool oo ku taalla isgoyska mashquulka badan ee Ex Control. Ugu yaraan 90 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxaas.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa xoo sigatay sarkaal booliiska ka tirsan oo lagu magacaabo Ibraahim Maxamed. “Qaraxu wuxuu ahaa mid weyn, waxaan xaqiijin karaa 20 qof oo rayid ah, dad kale oo badan ayaa ku dhaawacmay,”

Ma jirto weli ced sheegatay mas`uuliyadda qaraxa, balse ururka al-Shabab militants ayaa magaalada ka fuliya weerarrada noocan oo kale ah.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka oo lagu magacaabo Maxamed Cabdirisaaq, ayaa isagana sheegay in tirada dhimashada ay ka badan tahay 90, inkastoo aan la xaqiijin karin tiradaas.

“Allaha u naxariisto dadkii ku dhintay weerarka ,” ayuu yiri wasiirkii hore ee ammaanka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish waxa uu sheegay in qofkii is qarxiyay uu doonayay inuu “gudaha magaalada galo balse ciidanka ay is hortaag ku sameeyeen, maadaama laga shakiyay gaariga ka hor inta uusan qarxin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.