Home Afsomali Full VIDEO Toogasho saaka lagu fulay rag katirsan Al-Shabaab oo dilal geystay

Full VIDEO Toogasho saaka lagu fulay rag katirsan Al-Shabaab oo dilal geystay

 

 

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay Muqdisho xukunkii dilka toogashada ahaa ku fulisay labo rag ah oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, isla markaana ay dilal ka geysteen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

labada Ragga ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Aadan Maxamed & Cabdulle Axmed Muumin ayaa lagu helay inay Muqdisho kudileen 12/10/2019 Cabdullaahi Maxamed Hilowle oo katirsanaa dowladda Hoose ee Xamar & Cali Cabdulle Maxamed oo Ciidamada Millateriga katirsanaa 13/11/2019.

War kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Cumar Aadan Maxamed & Cabdulle Axmed Muumin ay Al-Shabaab ku kala biireen sanadihii 2014-kii & 2018-kii, iyaga oo ku kala sugnaa tuulooyin hoosyimaada Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose & degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale labada Ragga ah ayaa waxaa Maxkamaddu sheegtay inay qeyb ka ahaayeen weeraro ka dhacay degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, hayeeshee markii dambe loo soo wareejiyay Magaalada Muqdisho oo ay dilal ka fuliyeen.

Ugu dambeyn 16/12/2019 ayay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku riday xukun dil toogasho ah Cumar Aadan Maxamed & Cabdulle Axmed Muumin, iyada oo ugu dambeyn Maanta xukunkii dilka ahaa lagu fuliyay, sida uu Warbaahinta u sheegay kuxigeenka xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Maxamed Cabdullaahi Khaliif.

Waa todobaadkii labaad oo xiriir ah oo Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay xukuno dil toogasho ah ku fulineyso rag katirsan Al-Shabaab oo lagu helay inay dilal ka geysteen MagaaladaMuqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.