Home Afsomali Toogasho tiro dad ah lagu dilay oo ka dhacday Jaamacadda Virginia

Toogasho tiro dad ah lagu dilay oo ka dhacday Jaamacadda Virginia

Saddex qof ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday Jaamacadda Virginia, sida uu sheegay guddoomiyaha jaamacadaas.

Booliska ayaa baadigoobaya qof laga shakisan yahay oo baxsad ku jira.

Toogashada ayaa dhacday abaaro 10:30 habeenimo ee xiliga mareykanka “Waxaa ka dhashay saddex dhimasho; laba dhibane oo kale ayaa ku dhaawacmay waxaana ay helayaan daryeel caafimaad,” ayuu Gudoomiye Jim Ryan ku yiri warqad uu u diray bulshada Jaamacadda.

Maamulka deg-degga ah ee jaamacadda ayaa soo saaray digniin habeenimadii isniinta taasoo ogeysiinaysay ardayda jaamacada iney ka feejignadaan weerar hubeysan.

Waaxda Booliska ayaa soo galisay ogeysiis online ah oo sheegaya in hay’ado badan oo booliis ah oo ay ku jiraan booliiska gobolka ay raadinayaan tuhmane loo arko nin hubaysan oo khatar ah

“Tani waa farriin uu hoggaamiye kastaa rajeynayo inuusan waligiis dirin, waa dhacdo naxdin leh oo soo gaadhay qof kasta oo ka tirsan bulshadayada waxaanan joojinay xiisadaha maanta ee Jaamacadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.