Home Afsomali Tooratoorow oo ka baxday Gacanta Dowlada

Tooratoorow oo ka baxday Gacanta Dowlada

218
0

AlShabaab ayaa sheegtay iney dib ula wareegtay degaanka Tooratoorow ee gobolka Sh/hoose oo shalay ay qabsadeen ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa kumandoska ee loo yaqaan Danab

Saraakiisha ciidamada dowlada ee hogaaminayey howlgalka deegaankaas lagula wareegay ayaa waxaa ay sheegeen in ay qabteen Xubno uu ku jiray guddoomiyaha Maxkamada al-shabaab ee Gobolka Shabeellaha hoose, iyo xubno kale oo ka tirsanaa kooxdaas.

Hase ahaatee Warar saacadihii ugu dambeeyey ay Al-Shabaaba ku daabaceen Baraha Internet-ka ayaa waxay ku sheegeen in ciidamada Danab ay si nabadgelyo ah degaanka uga baxeen,isla markaana ay iyaga Magaalada dib ula wareegeen.

Ma jirto weli wax war ah oo dhankooda kasoo baxay Saraakiisha Ciidamaa Dowladda ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose, sidoo kalena lama hayo warar madax banana oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashada Al-shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here