Home Afsomali TPLF oo sheegtay in Ertirea kusoo noqotay dagaalka gobolka Tigray

TPLF oo sheegtay in Ertirea kusoo noqotay dagaalka gobolka Tigray

Ruushka ayaa gabi ahaanba joojiyay gaaskii uu ka siin jiray waddamada Yurub isagoo sheegay in loo baahan yahay in dayactir lagu sameeyo dhuumaha shidaalka.

Shirkadda tamarta ee dawladda Ruushka, ee Gazprom, ayaa sheegtay in hakinta dhuumaha Nord Stream 1 ay socon doonto saddexda maalmood ee soo socda.

Ruushka ayaa horey si weyn hoos ugu dhigay dhoofinta gaaska ee dhuumaha.

Moscow ayaa beenisay eedeymaha inay tamarta ay u adeegsatay sida hubka dagaalka kaas oo ay uga go’leedahay inay ku caburiso wadamada reer galbeedka.

Dhuumaha Nord Stream 1 waxa uu dheererkoodu gaaraya 1,200 kilomitir oo ka soo bilaaneyso xeebta Ruushka ee u dhow St Petersburg ilaa waqooyi bari ee Jarmalka.

Waxa la furay sannadkii 2011-kii, waxaana maalin walba mara gaas cadadiisu gaareyso ilaa  170 milyan oo mitir kuyuubik.

Dhuumaha ayaa la xiray 10 maalmood bishii Luulyo markaasi oo uu sidoo kale Ruushku sheegay in la dayactiri doono waxaana dhowaanba dhuumaha marayay gaas boqolkiiba labaan ah marka loo eego gaaskii maalin laha ee mari jiray. Wuxuu ku sababeeyay inay dhuumaha ay wax ka khaldan yihiin.

Mamulaha guud ee shabakadaha Jarmalka ayaa sheegay in waddankiisa uu sii adkeysan karo 3-da maalmood ee uu Ruushka hakiyay gaaska laakiin waa haddii uu dib u bilaabo keenista maalmaha soo socda.

“Waxaan u maleynayaa inaan awood u yeelan doonno inaan la qabsano,” Klaus Mueller ayaa sidaasu u sheegay Reuters. “Waxaan ku kalsoonahay in Ruushka uu ku soo celin doono 20% gaaska maalinta Sabtida ah, laakiin cidna ma xaqiijin karto taas.”

Hogaamiyayaasha Yurub ayaa ka cabsi qaba in Ruushku uu kordhiyo muddada uu qabsaday isagoo isku dayaya inuu sare u qaado qiimaha gaaska, kaas oo horeyba aad kor ugu kacay sanadkii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.