Home Afsomali Trump Oo Diiday Inuu Ka Jawaabo Su’aalo Muhiim Ah Oo La Weydiiyay

Trump Oo Diiday Inuu Ka Jawaabo Su’aalo Muhiim Ah Oo La Weydiiyay

 

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii diiday inuu ka jawaabo su’aalo la xiriira baaritaan madani ah oo lagu sameeyay hab-dhaqannada ganacsi ee qoyskiisa, isagoo u cuskaday xuquuqda dastuuriga ah ee uu u leeyahay inuusan dambi isku yeelin.

Trump wuxuu qaatay mowqif dagaal ah oo ka dhan ah baaritaanka ay waddo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka New York, Letitia James, si loo ogaado inuu qiimeyn ku sameeyay qiimaha hoteelkiisa, xarumihiisa lagu ciyaaro ciyaarta Golf-ka iyo hantida kale ee ma-guurtada ah si uu u helo shuruudo ku habboon amaahda, isagoo isaga oo hoos u dhigaya qiimaynta cashuur-dhaafka.

“Waan diiday in aan ka jawaabo su’aalaha hoos yimaada xuquuqda iyo mudnaanta uu siinayo muwaadin kasta marka loo eego dastuurka Mareykanka,” Ayuu Trump ku yiri bayaan uu soo saaray, isaga oo ku eedeeyay Letitia James, inay tahay “Xeer ilaliye isaga ka aargoosaneysa oo aan xakameyn karin sharciga.”

Muddo saacado ah oo uu su’aalo weydiinayay mid ka mid ah qareennada James, ayaa Trump wuxuu diiday inuu ka jawaabo in ka badan 400 oo su’aalood, sida ay sheegeen dadka xog-ogaalka u ah dacwadan, wuxuuna ku celceliyay marar badan, “jawaab isku mid ah,” isagoo ku baaqaya inuu xaq u leeyahay inuusan naftiisa dembi gelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.