Home Afsomali Turkiga oo Shuruud ku xiray in Dowladda Sweden ay ku biirto NATO

Turkiga oo Shuruud ku xiray in Dowladda Sweden ay ku biirto NATO

Dawladda Turkiga ayaa ku celisay shuruudo adag oo ay ku xirtay inay ogolaato in Sweden ay ku biirto gaashaanbuurta NATO.

Xukumadda Ankara ayaa doonaysa in Stockholm ay u soo gacan geliso weriyayaal, xubno siyaasiyiin ah iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Kurdiyiinta, kuwaas oo ay dowladdu ku eedaynayso inay taageersanyihiin Jabhadda Kurdiyiinta oo uu Turkigu u arko koox argagixiso ah.

Dadka uu Turkigu doonayo in loo soo gacan geliyo waxaa ka mid ah, Amineh Kakabaveh, oo xubin ka ah baarlamanka Sweden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.