Home Afsomali Turkiga Oo Si Caro Leh Kaga Jawaabay Eedeyn Kaga Timid Gariiiga

Turkiga Oo Si Caro Leh Kaga Jawaabay Eedeyn Kaga Timid Gariiiga

Saraakiisha Turkiga ayaa Axaddii ka jawaabay eedaymo uga yimi dalka Giriiga oo ku saabsanaa, in dalka Turkigu uu si Khasab ah ugu diray dalka Giriiga illaa 92 tahriibe oo qaaqaawan isla markaana ay ka muuqdaan dhaawacyo jidheed, hase ahaatee masuuliyiinta Turkiga ayaa warkaas ku tilmaamay inuu yahay been abuur, iyaga oo ku eedeeyey dalka Giriigu inuu si xun ula dhaqmay muhaajiriinta.

Agaasimaha isgaadhsiinta ee xafiiska madaxweynaha turkiga Fahrettin Altun ayaa sheegay in wasiirka socdaalka ee Giriigu Notis Mitarachi uu ku faafiyey bartiisa Twitterka, war been abuur ah, isaga oo isticmaalay muuqaalka muhaajiriin qaaqaawan, ka dibna ku eedeeyey dalka Turkiga.

Fahrettin Altun ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal ku qoran Turkish, English iyo Greek, isaga oo sheegay in qoraalkaas looga dan lahaa in dalkiisa la tuhmo, taas bedelkeeda wuxuu Athens ugu baaqay inay ka waantowdo sida xun ee ay ula dhaqanto qaxootiga.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee Turkiga Ismaaciil Catakli ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in sawirkani uu muujinayo naxariis darrada Giriiga. “Waqtigaaga ku bixi inaad u hoggaansanto xuquuqda aadanaha, ha ku bixin wax-is-daba-marin iyo daacad-darro!” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.