Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevlut Chavushoglu, ayaa sheegay in heshiis laga gaaray arrinta ku saabsan booqasho uu dhawaan dalkaas ku tagayo Dhaxa-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan.
Hase yeeshee wali ma cadda goorta uu ku beegan yahay safarka uu Maxamed Bin Salmaan ugu wajahayn yahay Turkiga.
“Booqashada dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, waxay dhacaysaa bishan gudaheeda, waan isku raacnay go’aankeeda,” ayuu warbaahinta Turkiga ku yiri Mr Chavushoglu.
Waxa uu sidoo kale sheegay in uu wadahadal kula jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga si loo asteeyo taariikhda ay ku beegmayso booqashada.
Marka taas laga soo tago, waxa uu dhanka kale sheegay in Turkiga ay ka shaqeynayaan sidii caadi loogu soo celin lahaa xiriirka kala dhaxeeya Sacuudiga.