Home Afsomali Ugaarsiga Africa ee Kashiitada iyo Dameer farowga ( DAAWO SAWIRADA )

Ugaarsiga Africa ee Kashiitada iyo Dameer farowga ( DAAWO SAWIRADA )

Waxa ay ka hareen dadkii hore ee noloshooda ku maareyn jirey ugaarsiga iyo gurashada miraha, waxayna ku noolyihiin dalka Tanzania, halkaasi oo wariye ka tirsan BBC-da, Dan Saladino, uu muddo u raacay ugaarsiga si uu ugu kuurgalo noloshooda, taasi oo iyada oo kale ay adduunyadan hadda la joogo ku tahay dhif iyo naadir.

DIGNIIN: Akhristayaasha qaar ayaa laga yaabaa in sawirradan hoose ay dhibsadaan.

Waxaa qowmiyadan lagu magacaabaa Hazda, waxaana la sheegaa in qaabkan ay usoo noolaayeen 40,000 sano ee lasoo dhaafay sida ay aaminsanyihiin taariikhyahadana wax ka qora dhaqanka.

Qowmiyadan oo ka kooban illaa 1000 qof oo isugu jira rag, dumar iyo caruur ayaa dhammaantood u ugaarsi taga duurka, waxayna ku noolyihiin wax allaale wixii maalinkaasi ay dishaan oo noole ah iyo gurashada miraha dhir gaaraysa illaa 30 nooc oo ay hohobta iyo dhanfaruurka ka midyihiin.

Ma lahan wax hoggaan ah, wixii maalintaasi lasoo helana si siman ayaa loo qeybsadaa, waxayna ku hubeysanyihiin qaansooyin iyo falaaro iyo hub-gacmeed kale. Xitaa waxa ay aad u garanayaan tabaha loo gurto malabka shinnida.

Hawlgalka ugaarsiga maalintani uu wariye Dan la socday waxa uu ku bilaabanayaa nin ka mid ah Hazda oo lagu magacaabo Zigwadzee oo galaya god dheer gunta u qodan illaa 2 mitiri oo ay ku jirto kashiito(Caano-qub), iyada oo ragga intii kale ay xirayaan afaafka godadka kale ee ay ka baxsan karto kashiitada.

Ma jirto wax baqdin ah oo uu ninkani ka qabo bahalada iyo halaqyada ku jiri kara godka uu galay, waxa kaliya oo u cadna waa kashiitada halkaasi ku jirta.

40 daqiiqo kadib ayuu godka kasoo baxayaa Zigwadzee isaga oo tilmaamaya halka ay ku aadantahay kashiitada, kadibna halkii ayaa la qodayaa si looga soo saaro.

Kashiitadu waa ay hilib badantahay, illaa 30kg ayay gaari kartaa, hilibkeedana aad ayuu u macaanyahay sida ay dadkani kuu sheegayaan. Marka la qalo, beerka iyo kalyaha isla goobta ayaa lagu dubanayaa, halka hilbaha intooda kale dhabarka lagu daad gureynayo illaa laga geeyo goobtii reeruhu degenaayeen. Halkaasi oo saacado dhaadheer loo lugeynayo.

Waa habkani sidii awoowayaashood ay ku noolaayeen muddo qarniyo ka hor ah, waxayna qoowmiyadani ku dhegentahay in wali qaab-nololeedkaasi ay kusoo jiraan, balse waxaa halis badan ku haya xoolo-dhaqato iyo waliba magaalooyinka oo sii fidaya.

Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in dadkani ay yihiin dad aad u caafimaad qaba , islamarkaasina dhisan jir ahaan, waana kuwa u adkeysi badan duruufaha adage e duur-ku-jirnimada, waxaana ugu wacan ayaa la leeyahay nooca cuntada ay cunaan.

Wariye Dan Saladino waxaa safarkiisa ku wehliya Prof. Tim Spector oo ka tirsan mac-hadka nudayaasha isirka jirka ee jaamacadda Kings College ee London, waxa uuna u kuurgalayaa sida dadkani jirkooda ugu adkeysto cudurrada, isaga oo taasi ka tixraacaya cunnada ay cunaan.

Si uu uga salgaaro, wuxuu wax la cunayay muddo maalmo ah, gaar ahaan miraha ay cunaan, kadibna wuxuu tijaabo ka qaaday saxaradiisa, isagoo barbar dhigey mid uu horey sheeybaarka ugu eegey, kadibna waxaa usoo baxay in maadada la yiraahdo microbiome ee ah bakteeriyada jirka difaaca u yeesha ay sare u kacday boqolkiiba 20%, taasi oo adkeysi badan jirka uga yeesha xanuunada kala duwan.

Balse sanado badan ayay qaadan doontaa inta cilmi-baarista Prof. Tim lagu ogaanayo cuntada dheelitiran ee ugu haboon ee dadka u baahanyihiin si xanuunada ay oga nabadgalaan.

Laakiin bulshada Hazda noloshooda halis badan ayaa kusoo fool leh, 10kii sano ee lasoo dhaafay illaa 160 hiktar oo dhulkii ay ku noolaayeen ahaa ayaa la baneeyey oo dhirtii laga jaray.

Nabaad-guurkan dhulka lagu samaynayo waxa uu meesha ka saarayaa xayawaankii kala duwanaa ee ay ugaarsan jireen bulshadani Hazda, sida dameer farowga oo ka mid ahaa waxyaabihii ay disheen intii uu wariyaha la socdey qoomkani.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.