Home Afsomali Uganda oo Diyaarado Dagaal ku taageereysa Howlgalka daba dheeraaday ee AMISOM...

Uganda oo Diyaarado Dagaal ku taageereysa Howlgalka daba dheeraaday ee AMISOM ee Soomaaliya.

Ciiddanka Difaaca ee dalka Uganda (UPDF) waxay sheegeen inay Somalia u soo daabuli doonaan Diyaaradaha Helikoptarada ee Dagaalka, si ay taageero uga geystaan Hawlgalka AMISOM.

Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Richard Karemire wuxuu shaaciyey inay Diyaaradahaasi loo adeegsan doono taageerida Ciiddanka dhulka ee AMISOM marka ay fulinayaan Hawlgalladda Dagaalka ee ay kula jiraan Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Richard Karemire wax faahfaahin ah kama bixinin Tirada Diyaaradahaasi iyo Xilliga la soo gaarsiin doono Hawlgalka AMISOM.

Waa markii ugu horeysay muddo 8 sano kadib oo ay Uganda sheegto inay Somalia u soo dirayaan Diyaaradaha Helikoptarada ee lagu dagaalamo.

Dhanka kale Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 6,000 oo Askari, waana Ciiddanka ugu tirada badan ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, marka loo eego Ciiddamadda kale ee ka kala socda dalalka Jabuuti, Burundi, Kenya iyo Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.