Home Afsomali UK Oo Soomaaliya Ka Taageeraysa Dhaqaalaha Iyo Dib U Habeynta Hannaanka Maaliyadda

UK Oo Soomaaliya Ka Taageeraysa Dhaqaalaha Iyo Dib U Habeynta Hannaanka Maaliyadda

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire K.Foster

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda UK waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Saleemaan Sheekh Cumar

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dhaqaalaha labada dal iyo taageerada dedaalada dib u habeynta maaliyadda ee ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa “Saaka waxa aan shir muhiim ah la yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya K. Foster iyo madaxda kale ee Safaaradda, waxa aan ka wada hadalnay dadaalada Wasaaradda Maaliyadda ee dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta ku shaqeynta hannaanka dowlad-wanaaga iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.”

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Dowladda UK ay door muuqda oo muhiim ah ku leedahay barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada dowladda Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.